|
Madaafiic ku soo Dhacdey Suuqa Bakaaraha |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Friday, 14 December 2007 |
|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Ugu yaraan 8 Ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Madaafiic ku soo dhacday Suuqa Bakaraha gudihiisa shalay barqadii xili uu Suuqa mashquul ahaa, Ganacsiguna socdey, kuwaas oo aan la ogeyn halka laga soo ridey iyo cida soo ridey,waxaana wararku sheegayaan in Dhaawacuna intiisi kabadanyaahay .
2 labadan Madfac oo ku soo dhacday Suuqa Bakaaraha oo sababay dhimasho iyo Dhaawac soo gaarey Dad rayid ah oo ku dhaxjirey howlo Ganacsi, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen 2 labo Haween ah oo ka Xamaalanayey Suuqa Bakaaraha .
Mid kamid ah Madaafiicda ku soo dhacdey Suuqa ayaa waxa uu ku dhacay meel Dhismo Baqaar aheyd oo howl Ganacsi ay ka socotay, kaas oo ku yaalla dhabarka Dhismiyaasha Shirkadaha Isgaarsiinta oo ku yaala Wadada koowaad ee Bakaaraha , iyadoo mid kalena la sheegay in uu ku dhacay Suuqa Sarifyaraha Dollarka ee Bakaaraha oo ku dhow Dhismaha Daarta Telnet ee Magaalada Mugdisho.
Dadka dhintay ayaa waxa lagu soo waramayaa in ay gogo,een oo la kal garan waayey cida ay ahaayeen,Ganacsigii Suuqa Bakaaraha ayaa istaagey gebi ahaanbe markii ay Suuqa ku soo dhyaceen Madaafiicdan habowga ah oo ku abuurtey Suuqa jahwareer iyo kala orad ka dhacay Suuqaasi.
|