Muqdisho,(insidesomalia.org)-Wakiilka shirkadda ganacsiga Al Mustaqiim Trading Co. ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Barkhadle ayaa beeniyey warar ay faafiyeen qaar ka mid ah Idaacadaha iyo websiteyada Magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey oo ahaa in shirkadaasi ay leedahay markab ku xiran Dekeda Muqdisho oo la sheegay in uu sido cuntooyin dhacay oo aan wanaagsaneyn kaasoo wasaaradaha dekedaha ee Dowladda ay is hortaag ku sameysay in badeecadaha uu sido laga saaro dekeda Muqdisho tan iyo inta laga hubinayo fayo qabkooda.
Maxamuud Barkhadle ayaa intaa ku daray in markii ay warkaasi maqleen ay si aad ah ula yaabeen, wuxuuna xusay in maamulka dekeda Muqdisho oo haya waraaqaha Markabkaasi iyo cida iska leh badeedacaha saaran ay cadeyn u tahay inaaney markabkaasi iyagu laheyn taasoo cid walba ay soo ogaan karto, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo aaney ogeyn cida ka dambeysa, wuxuuna ku booriyey warbaahinta gaar ahaan iney iska hubiyaan wararka ay sii deynayaan si aysan u dhicin iney meel uga dhacaan sumcada dadka iyo heyadaha ay wax ka sheegayaan.
“Shirkadda Al-mustaqiim waxay ka mid tahay shirkadaha ganacsiga ka howlgala Somalia, waana shirkad sumcad ku leh bulshada dhexdeeda oo kalsooni fara badan lagu qabo waxayna shirkadu ka ganacsataa badeecooyin kala duwan oo tayadoodu ay si aad ah u sareyso, kamana ganacsato shirkaddu alaabooyinka ay ka mid yihiin cuntooyinka dhacay ee laga yaabo iney dhibaatooyin u keenaan dadka isticmaalaya, waxayna umaddu nagu taqaanaa ganacsi xalaal ah” ayuu yiri wakiilka oo intaa ku daray isagoo u waramayey weriye ka tirsan boggan in shacabka Soomaaliyeed ay shirkadda Al Mustaqiim ku qabaan kalsooni fara badan oo aaney waxba u dhimi doonin waxyaabaha been abuurka ah ee mararka qaarkood sida qaldan looga faafiyo.