Wadanka wuxuu xoriyada qaatey 27-kii June 1977 ,wuxuuna ka qaatey Dalka Faransiiska, ayada oo ay maalinta Jimcaha Reer Jabuuti udabaal dagego doonaan 31 guuradii ka soo wareegatey markii ay xoriyada qaateen.
Ciidamada faraha badan ee jooga Dalkan Jamhuuriyada Jabuuti ayaa waxa ay ujoogaan la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah ,waxaana ka sameysteen Saldhigyo Militiri oo waa weyn.
Joogitaanka Ciidamada faraha badan ee jooga Dalkan Jamhuuriyada Jabuuti ayaa waxa ay reer Jabuuti ka faa’iideen Dhaqaalo badan oo soogala, taasoo aad maanta ka daawan karto Dhaqaalaha dadka reer Jabuuti.
Cimilada Dalkan waa kuleyl xiliyada Xagaaga,inkastoo ay waqtiyadu kala duwan yihiin hadana waqtigan waa soo dhow oo hadaba lagaley xiligii kuleylaha oo dadka reer jabuutina ay inta badan caruurta iyo dadka waayeelk ahba ay xagaa baxeen.
intaa ka sokow jabuuti dalkayga wuxuu beegsanayaa horumar wayn oon ugu abaal qabno mudane ismaciil cumar geele hogaamiyaha qaranka hadaan wax ka taabto horumarka qaranku beegsanayo waxaa ka mid ah
dhismaha dakada ugu wayn afrika oo la dhigi karo 4000 000 oo koontineer oo ku taala doraleh dhararkeeduna yahay 2km oo leh 16 portique[biraha koontineerada dajiya]
dhismaha magaalada nuur ee woqooyiga dalka
dhismaha jaamacad ay u hoyan karaan 10 000 oo qof waxna ku baranayaan
dhismaha akaadamiyad milatari oo laga dhisayo carta
dhismaha 100 000 oo guri 20 sano gudahood
dhismaha cisbitaal wayn oo qaadi kara 3000 oo qof oo laga dhisayo balbala
dismaha mashruuca koronta dhalinta geotermie
isticmaalka milixda harada casal
hirgalinta mashruuc lagu beerayo 1000 000 oo geed oo timir ah
samaynta jidad waawayn iyo kordhinta iyo dib u cusboonaysiinta ciidanka qaranka
eebaa mahadaa iska leh iyo dadka xeer yaqaanka ah ee dalka jabuuti hantida u leh
wwad mahad santihiin