Home arrow Ganacsiga arrow Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Bakaaraha oo Beeniyay
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:336
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:79
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:673
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:297
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Feb 16 2008
Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Bakaaraha oo Beeniyay
Written by Ali Moallim   
Saturday, 16 February 2008

Muqdisho, (insidesomalia.org) - Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa maanta wuxuu si kulul uga jawaabay hadal ay xalay sii daayeen saraakiil u hadlay Ciidamada AMISOM ee Muqdishio ku sugan, kaasi oo ahaa in Madaafiic Hoobiyayaal ah oo lagu weeraray Dekedda Muqdisho laga tuuray Suuqa Bakaaraha.

Cali Dheere waxaa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin oo ay Ganacsato ahaan ka xun yihiin, wuxuuna sheegay in ay caddeynayaan in aan Madaafiicdaas laga tuurin Suuqa Bakaaraha.

“Dekedda Hantideena ayaa taala sidaas darteed sidee suurtagal ku noqoneysaa in Madaafiic Suuqa dhexdiisa looga tuuro”ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in ay hadalkaas u arkayaan mid la doonayo in la xalaaleysto dhibaato la doonayo in la gaarsiiyo Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha waxaa uu intaas ku daray in Suuqa Bakaaraha ay ku hareen ganacsato yar oo faro-ku-tiris ah, taasina ay timid kadib markii uu Suuqa noqday meel ay ku dagaalamanaan Ciidamada Dowladda Federaalka KMG Soomaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

Mr Cali Dheere ayaa waxaa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda in ay soo farageliyaan, isla markaana ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira Suuqa Bakaaraha oo muddo dhowr Bilood ah aanu ka jirin wax Ganacsi ah oo la sheegi karo.

Dhanka kalena, waxaa muddo todobaad ah ka badan aanu wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha, kadib markii ay halkaas ku dagaalameen Ciidamada Dowladda ee ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >