Home arrow Ganacsiga arrow Gudiga Gaadiidleeyda Suuqa Bakaaraha oo Bilaabay Dayactirka Wadooyinka Burbursan
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:02-09-2008
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:687
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:117
Date:15-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 21 2008
Gudiga Gaadiidleeyda Suuqa Bakaaraha oo Bilaabay Dayactirka Wadooyinka Burbursan
Written by Ali Moallim   
Saturday, 21 June 2008

Muqdisho, (insidesomalia.org)-Dedaalo lagu doonayo in dib loogu daycatiro wadooyinka ku bur buray roobabka iyo dayactir la’aanta ayaa waxaa ay ka soconayaan Magaalada Muqdisho.

Kadib is afgarad dhex maray gudiga gaadiidleeyda iyo gudiga gancsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay maanta bilaabeen in ay uruuriyaan lacago ay ka qaadayaan gaadiidka ka dhex shaqeeya inta u dhexeeysa isgooyska Hawl wadaag iyo kan KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Lacagaha maanta laga qaadayay gaadiidleeyda ayaa gaareeysay lacago gaaraya 10.000 toban kun oo shilin Soomaaliya taasi oo lagu doonayo in dib loogu dayactiro wadooyinka ku bur buray roobabkii dhawaanahan ka da’ayay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooyska Bakaaraha oo si weyn ugu bur buray roobabka, kaasi oo intisa badan ka sameeysmay boholo waaweeyn oo aysan marki karin Gaadiidka.

Darawalada Gaadiidka Bl-ka ayaa si weyn u soo dhaweyay tilaabadasi waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin isla markaan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dayactirka lagu sameeynayo wadadaasi.

Mid ka mid ah gudiga gaadiidleeyda oo Saxaafada u waramayay ayaa sheegay in markii ay waayen cid iska xil saartay wax ka qabashada wadadasi aay igu go’aansadeen in ay wax ka qabtaan burburka sii balaaranaya ee ku yimid isgooyska Bakaaraha.

Dhanka kale Ciidamada AMISOM ee Dalka Soomaaliya u jooga howlaha Nabad ilaalinta ayaa maanta iyana dhankooda ka bilaabay dayacti ay ku sameeynayaan wadada hor marta Jaamacaddii hore ee Ummada, taasi oo ku dhawaad 20 sano aan heli wax dayactir ah.

Ciidamadani oo fariisin ay u tahay Jaamacaddii hore ee Ummada ayaa barqanimadii maanta soo buux dhaafiyay hareeraha Wadadasi iyagoona in mudo ah xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadka xiliga ay dayactirka ka wadeen wadadaasi.

Ciidamada ayaa waxaa ay wadada dhexdeeda gaar ahaan goobaha ay ka bur bursan tahay ay ku shubayeen dhagxaan aad u fara badan si ay ugu dayac tiraan bur burka ku yimid inta badan wadadasi.

Darawalada gaadiidka ka shaqeeya inta u dhexeeysa degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabada ay Ciidamada AMISOM ku dayactirayaan laamigaasi.

Arimahani oo dhan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili wadooyin fara badan oo ku yaala magaalada Muqdisho ay go’een kadib markii roobab Mahiigaan ah oo ka da’yay magaalada ay wax yeelo u geeysteen wadooyinka halboowlaha u ahaa isku socoda dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >