|
Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Hakad Galey. |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Monday, 04 February 2008 |
|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa Maalintii labaad ayaa waxay baritaano kawadaan Isgoyska Howl wadaag oo ah Wadada kaliya oo ay Dadka iyo Gaadiidka ka galaan Suuqa Bakaaraha.
Baaritaanada ay Ciidamada kawadaan Wadada Howl wadaag ayaa waxay saameyn balaaran ku yeelatey Ganacsigii Suuqa Bakaarasha iyo dhaqdhaqaaqa Gaadiika isticmaali jirey Wadadaasi.
Sida lagu soo waramayo Ciidamada baaritaanada wada ee soo degey Wadan ayaa waxey gebi ahaanba joojiyeen in ay Gaadiika iyo Dadka ay isticmaalaan Wadada Howla wadaag.
Xirnaashaha Wadadan ayaa waxay saameyn ku yeelatay Dadka u Ganacsi taga Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo haatan isticmaala si ay Suuqa u galaan Waddooyin Xaafadaha dhexdooda ah.
lama yaqaano ilaa iyo haatan sababta Ciidamada loo soo dhoobay Isgoyska Howl wadaag oo muddooyinkan ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah oo Gaadiidka BL-ka qaadi jiray Lacag aan sharciyeysneyn oo ay Ciidamada Isgoyskaas jooga iska qaadan jireen.
Ganacsatada Suuqa Baakaraha iyo Gaadiidleyda BL-ka ayaa waxay ka codsanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u furto Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha, si uu dib ugu bilowdo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Suuqaasi.
|