Home arrow Ganacsiga arrow Ganacsato Lacag Laga lunsadey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:422
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 13 2008
Ganacsato Lacag Laga lunsadey
Written by Ali Moallim   
Sunday, 13 July 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho Milkiilayaasha qaar ka mid ah Hoteelada waaweyn ee Magaalada, iyagoo ka cabanaya inaan weli la siin lacag gaareysa illaa $3 Milyan oo Dollar oo ah kirada iyo cunadii boqolaal ka tirsanaa Ergooyinkii ka yimid Gobolada Dalka ee ka qeyb galay Shirkii dib u heshiisiinta ee lagu soo gebagebeeyay Sanadkii hore xarunta Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

 

Axmed Cali Culusow oo ah Guddoomiyaha Guddi ay sameysteen Hoteelada ay ka mid yihiin Naasa hablood, Madiina, Ambasador, Lafweyn iyo kuwo kale, ayaa sheegay in aysan jirin wax lacago ah oo laga siiyey Ergooyinkii ka qeyb galay Shirkii dib u heshiisiinta haba yaraatee, waxayna sheegeen in ay lacagaasi ku leeyihiin Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Shirkii dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed.

 

Waxay sheegeen guddigaasi in sidii ay lacagahooada ku heli lahaayeen ay u fuuleen geed dheer iyo geed gaaban, hase ahaatee ay waayeen cid ay kal hadlaan Lacagtoodii maqan, waxayna xuseen in lacagahooda ay aaminsan yihin in la bixiyey, hase ahaatee la lunsaday oo arintaan ay ka danbeeyaan shaqsiyaad aanay magacaabin oo ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo ay sheegeen in ay markii hore u sheegeen in lacagahooda loo hayo lana siin doono, hase ahaatee markii dambe isbedelay waa sida ay hadalka udhigeene.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >