|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay saaka kulan ka leeyihiin qaabka loo socodsiinayo lacagaha kunka Shilin Soomaaliga ah oo duugoobey,kaasi oo ay dhawaanahan dadka diidanaayeen qaadashadiisa.
Kulankani oo ka Socnaya Goob ka mid ah Suuqa Weeyn ee Bakaaraha ayaa waxaa isugu yimid Ganacsatada,waxgaradka iyo weliba Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka arinsanaya sidaii loo socodsiinlaa lacagaha duuga ah iyo kuwa jeex jeexan ee shilin Soomaaliga ah ee bilihii ugu danbeeyay ay dadku diidayeen qaadashadooda iyo wax ku kala gadashadooda.
Kulankani oo ay ka soo qeeyb galeen Qeeybaha kala duwan ee suuqa Bakaaraha oo ka kooban 21 waaxood sida Qeebta Bacdlaha,Daawada,shidaalka Bagaashka iyo Qudaarta, kuwasi oo sida warayayaasha ay ku soo waramayaan uu haatan uga furmay kulankaasi suuqa Bakaaraha.
Mid ka mid ah gudiga Qaba qaabada kulankasi oo Idaacadaha lokolka ah u waramayay ayaa sheegay in kulankasi isla maantaba ay ka soo saari doonaan Go’aamo dhaxal gal u ah dadka danyarta ah ee ay sida weeyn u saameeysay Diidista Lacgaha duuga ah iyo Kuw Jeex jeexan, isla markaana go’an Mideeysan laga wada qaadan doono Cidii diida Lacagaha shilin Soomaaliga ah.
Goobata uu ka dhacay kulankasi ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Dadweeyne aad u fara badan oo ka war sugaya Go’aamada ka soo baxa kulankasi waxaana ay dadkasi rajo weeyn ka Muujiyeen hadii kulankasi lagu go'aamiyo in la qaato lacagaha shilin Soomaaliga si aan kala sooc laheeyn in uu hoos u soo dhici doono qiimiga raashiinka lagu kala Gato.
Arinta Lagu diidayo lacagaha kunka duuga ah ee Shilin Soomaaliga ayaa waxaa ay inta badan bilihii ugu danbeeysay ka taageneeyd gobolada Konfureed ee Dalka Soomaaliya Taasi oo saameeyn weeyn ku yeelatay nolosha Dadka Danyarta ah ee Sku nool Gudaha dalka soomaaliya.
|