|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa maalintii labaad ka daabulanaya Suqa Bakaaraha intii uga hartay alaabadooda ee ka bad baaday Bililiqadii ay dhawaan u geeysteen Ciidamada Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaalia.
Ganacsatada ayaa la arkayay Maanta iyagoo kala baxaya hantidooda Suuqa Bakaaraha oo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay ka taagnaayeen Shaqaaqooyin dhaliyay in Ciidamada Dowladda ay gudaha u soo galan, isla markaan ay boobaan hantidii taalay Suuqaasi.
Gancsatada ayaa waxay kuu sheegayaan in ay dib ugu soo laabankaraan Ciidamada Dowladda, Maadaama ay weli ku hareereeysan yihiin Suuqa oo mararka qaarna ay rasaas ooda uga qaadayan suuqa.
Mid ka mida Ganacsatada suuqa Bakaaraha ee ka raranay alaabadooda Suuqa ayaa sheegey in ay uga guurayaan Suuqa Sababo uu ku micneeyay in markale ay dhac u geeysankaraan Ciidamada Dowladda, waxaana uu ninkaasi ka gaabsaday Magaciisa “waa markii labaad oo dhac la iigeysto’”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Shalay ayey aheed markii dadweeyne fara badan oo goobo ganacsi ku lahaa Suuqa Bakaaraha ay bilaabeen in ay alaabadooda ka rartaan iyadoo aan la ogeeyn meel ay ula guurayaan.
Ilaa iyo hada ma jirto cid si toos ah wax uga qabatay dhibaatoyinka loo geeysanayo suuqa Bakaaraha oo ah Lafdhabarta Ganacsiga Dalka Soomaaliya horay ayaa Ra'isul wasaare Nuur Cadde uu shaaca uga qaaday in ay gudi heer wasiir ah u saaraayaan Dhibaatada ka Dhalatay Suuqa bakaaraha iyadoo ayan muuqan ilaa iyo hada Wax talaabo ah oo ay qaadeen
|