|
Ganacsade xalay lagu Dilay Magaalada B/weyne |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Wednesday, 07 November 2007 |
|
B/weyne, (insidesomalia.org) - Nin Ganacsade ah ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan.
Ninkaan la dilay oo la oran jirey Cabdi Aadan Diiriye da'diisana ay aheyd 40 sano jir ayaa labo nin oo ku hubeysan Bustoolado waxa ay ku dileen goob Ganacsi oo uu kulahaa Xaafadda H/wadaag ee Degmada B/weyneabaare 8:00PM ee xalay.
Dad Goobjoogayaal ahaa ayaa waxay sheegeen in nika ladiley ay dableydu katoogteen madaxa ayna ku dhufteen ilaa 7 xabadood, warka ayaa waxaa intaasi kudaraa in ay dul taagnaayeen ilaa uu kadhinto marxuumka.
Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay 10 talaabo u jirtaa buundada liiq liiqato ee Magaalada B/weyne oo fariisin u ah Ciidamada Dowladda, taasoo dadka deegaanka ay shaki ka muujiyeen in dilka ninkaasi ay ka Dambeeyeen Ciidamada.
Maalmahaan ayaa Magaalada B/weyne waxaa ku soo kordhayay qaraxyada iyo waliba dilalka loo geysanayo Dadka rayidka ah , iyadoo arinkaasi lagu yaqiinay Magaalada Muqdisho.
Dableyda dilkan geysatey ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay baxsadeen inta badan dadka geysta dilka qorsheysan oo sidan ookale ah ayaa dowlada looga baran in ay gacanta kusoo dhigaan.
|