Home arrow Ganacsiga arrow Gaawirda Bl-ka ah ee ka Shaqeeya Mgaalad Muqdisho oo Busteejo Cusub loo Sameeyay
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:320
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:145
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:456
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 21 2008
Gaawirda Bl-ka ah ee ka Shaqeeya Mgaalad Muqdisho oo Busteejo Cusub loo Sameeyay
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 21 May 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Gawaarida Bl-ka ah ee ka shaqeeya Mgaalada Muqdisho ayaa maanta Busteejo looga sameeyay Isgooyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho, kadib is afgarad dhexe maray wadayaasha Gaadiidkaasi iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka Bl-ka ah ee ka shaqeya Suuqa Bakaaraha iyo Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkaayay iyagoo ka rararanaya Isgooyska Hawlwadaag oo mudooyinkii ugu danbeeyay ahaa meel haawaneyso oo aysan wax goobo Ganacsi ah ka furneeyn.

Waxaa subaxnimadii maanta la arkayay qaar ka mid ah illaalada Suuqa Bakaaraha oo amar ku siinaya wadayaasha Gaadiidka Bl-ka ah in ay Gawaarida ku ekeeyaan Isgooyska Hawlwadaag, kuwaasi oo markii hore gaari jiray irdaha hore ee Shirkadaha Isgaarsiinta ee Suuqa Bakaaraha.

Mid ka mid ah darawalada Gaadiidka isaga kala goosha Suuqa Bakaaraha iyo qeeybaha kale ee Magaalada Muqdisho oo idaacadaha lokolka u waramayay ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweeynayaan talaabadani loogu sameeyey Busteejada cusub ee Isgooyska Hawlwadaag, waxaana uu intaa raaciyay in ay markii hore dhib ku qabeen halkii ay markii hore ka rararn jireen Gaadiidka sababo uu ku micneeyay cariiriga Wadadasi.

Isgooyska Hawlwadaag ayaa waxaa maanta laga dareemayay mashquul fara badan oo markii hore aan lagu arki jirin, taasi oo dadka ay ku micneeyeen Gaawaarida Bl-ka ah oo halkasi loo rarary.

Ciidamada ilaalada Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa lagu arkayay Maanta iyagoo kala hagaya Gawaarida Bl-ka ah ee isticmaalaya wadada wadanaha iyo Isgooyska Hawlwadaag, kuwaasi oo darawalada u tilmamayay qaabka Wadada loo istaago, Maadaama ay inta badan darawalada Gawaaridooda dhigaaan meel aan munaasib ku aheeyn dhigashada Baabuurta.

Isgooyska Hawlwadaag ayaa waxaa uu Bilooyin ka hor ahaa meel ay inta badan isku fara saarayeen Ciidamada Dowladda oo fariisin ay u aheeyd iyo Xoogaga ka soo hor jeeda, taasi oo ka dhigtay Isgooyskaasi iyo qeeybo badan oo Suuqa Bakaaraha ka mid ah meel cidlo ah.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >