|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Gaadiidka ka shaqeeya Isgooyska KM 4 iyo Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa maanta shaqo Joojin kooban Sameeyay, taasi oo saameeyn ku yeelatay isku socodka dadka ku nool degmooyinkasi.
Shaqo joojintani ayaa timid, kadib markii ay awoodi waayeen darawalada gaadidka ka shaqeeya degmooyinkaasi sida ay sheegeen lacago fara badan oo si sharci daro ah ay uga qaadaan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan qeybo ka mid degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Gooblka Banaadir.
Mid ka mid ah darwalada Gaadiidka ka shaqeeya degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey illaa isgooyska KM 4 ayaa sheegay in dhibaatooyin ay ku qabaan isla markaana ay maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii laba jibaarmeeysa.
Wadahaasi waxaa uu sheegay in markii hore lacagaha sharic darada ah ee laga qaado ay ku bilaabatay 5000 shan kun oo shilin Soomaali ah,halka hada laga qaado 25,000 shan iyo labaatan kun oo shilin, taasi oo uu tilmaamay in aysan awoodin, isla marnaaka ay gudi gaadiidleey ah ay u direen Maamulka gobolka Banaadir ayna ka war sugayaan.
Shaqo joojintani ay maanta ku dhaqaaqeen Gaadidka ka shaqeeya inta u dhexeeysa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey illaa isgooyska KM 4 ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili taliyaha Qeybta Booliska Waliyoow Cadde iyo afhayeenka Ciidanka Booliiska Col Cabdullaahi Xasan Bariise uu shaaca ka qaaday in aysan jirin wax Ciidan ah oo gaadidka ka qaada lacago, isla markaana ay talaabo ka qaadi doonaan taasi oo aan muuqan wax talaabo ah oo laga qaaday weli.
|