|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Dowaladda KMG ah ee Soomaliya ayaa maanta sheegtay in ay wax ka qaban doonto maalmaha soo dhaw arimaha sicir Bararka iyo diidista lacagaha shilin somaliga ee la diidayo.
Ra’isul wasaare ku xigeenka Dowladda soomaaliya ahna Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Diinta prf Saalim Caliyoow Ibroow ayaa maanta Daboolka ka qaaday in aysan munaasib aheeyn in xiligan la diido Lacagaha Shilin Soomaaliga ah iyo sare u kaca baahsan ee ka jira Maciishada qutul daruuriga ah.
Sidoo kale Ra’isul Wasaare Xigeenka waxaa uu sheegay in Dowlada ay arimahani wax ka qaban doonto dhawaan waxaana uu shacabka ka codsaday in ay Dowladda ku taageeraan arintaasi si wax looga qabto.
“Waa in la isweeydiiyaa Waxa keenay diidista lacagaha Shilin Soomaaliga iyo sare u kaca ku yimid Maciishada qutul daruuriga ah, taasi waxaa ay saameeyneeysaa cid waliba hadii ay ahaan laheeyd kuwa diidaya lacagaha ama shacabka” sidaasi waxaa yiri Saalim Caliyoow Ibroow Ra’isul Wasaare Xigeenka Soomaaliya.
Sidoo kale Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhanka arimaha Bulshada Max’ed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa isna waxaa uu maanta sheegay in sare u kaca Maciishada qutul daruuriga ah ay tahay mid saameeyn weeyn ku yeelatay dhamaan qeeybaha kala duwan ee Bulshada loona baahan yahay in wax laga qabto, taasi oo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dhawaan u istaagi doonto wax ka qabashada.
Hadalkani ayeey Masuuliyiinta maanta ka jeediyeen Munaasibada Maalinta Dhirta Aduunka oo maanta lagu qabtay Xarunta Haweenka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeeyb galeen labada Gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumada
Hadalka ka soo yeeray Dowladda ayaa ku soo beegmaya xili Dalka Soomaaliya ay ka jirto sare u kac ku yimid Raashiinka iyo weliba diidis lagu sameeyay kunka Shilin Soomaliga ah, taasi oo saameeyn weeyn ku yeelatay nolosha Dadka Danyarta ah ee Soomaaliyeed.
|