Home arrow Ganacsiga arrow Doon ku Qalibantay Xeebta Kismaayo oo ay dad ku Dhinteen
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 29 2008
Doon ku Qalibantay Xeebta Kismaayo oo ay dad ku Dhinteen
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 29 July 2008

Kismayo,(insidesomalia.org)- Seddex Ruux ayaa geeriyooday kadib markii ay qalibantay Doon ay saarnaayeen oo Shixnad Ganacsi u waday Dekedda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Doontan ay Dadka ku dhinteen oo ka soo shiraacatay Jaziiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ku qalibantay Deegaanka Qandala oo 20km dhanka Galbeed kaga toosa Magaalada Kismaayo, waxayna ku sii jeeday Dekedda Kismaayo.

 

Sababta ay u qalibantay Doonta ayaa lagu sheegay iyadoo ay Badda aad u kacsaneyd, isla markaana ay mowjado xooggan biyo gudaha u geliyeen Doonta, taasina ay keentay in ay Doonta qalibanto.

 

Dad kale oo Doonta saarnaa ayaa ka badbaaday in ay ku dhintaan shilka Doonta ku dhacay, waxayna dadkaasi soo gaareen Xeebta Qandala iyagoo bedqaba, waa sida ay sheegeen dad ku sugan Deegaankaas.

 

Waa markii labaad sanadkan gudahiisa oo Doon ku rogmatay Xeebaha duleedka Kismaayo ay Dad ku dhintaan, waxayna ahayd afar bilood ka hor markii Doon Kalluumeysi oo ku rogmatay halkaas ay ku dhinteen shan ruux.

 

Ugu dambeyntiina, Shilalka ceynkan oo kale ah ee ku yimaada Doomaha ayaa waxay dhacaan inta badan waqtiyada Bad-xiranka oo ay adag tahay in ay Doomaha si caadi ah ugu socdaan Badda sabab la xiriirta Badda oo aad u kacsan aawgeed.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >