|
Dhismiyaal Sharcidaro ah oo Laburburinayo |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Thursday, 13 March 2008 |
|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Ciidamada Booliska Magaalada baydhabo ayaa bilaabay howl gallo ay ku bur burinayaan dhismayaasha sharci darada ah ee ku yaala hareeraha laamiga Magaaladaas.
Amar ka soo baxay maamulka cusub ee gobolka baay ayaa lagu sheegay in muddo labo maalmood lagu bur buriyo dhismayaasha sharci darada ah ee laga dhistay hareeraha wadada laamiga ah ee Magaaladaas.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Baydhabo ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid wax weyn ka tareysa sugida ammaanka, wuxuuna sheegay in marka ay marayaan Wadooyinka Gawaarida ay si ciriiri ah ku maraan, isla markaana ay dhici karto in kooxaha qaswadayaasha ay kaga faa'ideystaan ciriiriga Wadooyinka waa sida uu hadka udhegeye.
Sandaqaha Ganacsiga, sida kuwa Qaadka lagu iibiyo ayaa ugu badnaa howl galkii bur burinta ahaa ee Ciidamada Booliska ku dhaqaaqeen, waxaana dadka mehradaha laga bur buriyay la faray in bartamaha Magaalada ay ku Ganacsadaan, kana fogaadaan hareeraha laamiga.
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa sheegay in Ammaanka Magaalada Baydhabo ay gacan bir ah ku qaban doonaan, wuxuuna xusay in howl gallo ammaan sugid ah ay ka wadaan gudaha iyo daafaha Magaalada.
Waxaa uu tibaaxay Gudoomiyaha in aysan mar dambe dhici doonin falal ammaan daro ah ama dilal qorsheysan oo ka dhaca gudaha Magaalada, waxaa uuna faray dhinacyada Booliska iyo kuwa nabadgelyada in ay adkeeyaan Ammaanka.
Ciidamada Booliska ayaa xilliga habeenkii la arkaa iyagoo Gawaari dul saaran oo gudaha Magaalada ku roondeynaya, taasoo sare loogu qaadayo sugida Ammaanka.
|