Home arrow Ganacsiga arrow Dhac loo Geystey Xarun Xawaaladeed oo Jowhar kutaale
Somaliland Borama Rays Hotel
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:11
Date:05-07-2008
Bosaso, Bari, Puntland, Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:14
Date:05-07-2008
Clay Aiken - Somalia Awareness
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:18
Date:05-07-2008
Mogadishu: 2 July 2008
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:31
Date:04-07-2008
Bob Marley - Africa Unite
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:37
Date:02-07-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 13 2008
Dhac loo Geystey Xarun Xawaaladeed oo Jowhar kutaale
Written by Ali Moallim   
Sunday, 13 April 2008

Jowhar, (insidesomalia.org)-Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay dhac u geysteen Xarunta Xawaaladda Qaran Express ay ku leedahay Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolkaas.

Madaxa Laanta Xawaaladda Qaran ee Degmada Jowhar Ibraahim Xaaji Caddow ayaa sheegay in mid ka mid ah seddex askari oo u soo galay Xafiiskiisa uu qaatay Lacag ku dhow 15 Kun oo Doollar oo isugu jirtay lacag loo dhiibtay iyo mid ay Xawaaladda ku shaqeyneysay.

“Aniga oo xafiiskeyga jooga ayaa waxaa ii yimid seddex askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadibna waxay igu amreen inaan xafiiska ka soo baxo oo aan raaco, iyagoo ku andacoonayay in dacwo la ii heysto, kadibna mid ka mid ah askartii ayaa xafiiska galay oo qaatay lacagtii”ayuu yiri Ibraahim Xaaji Caddow oo sheegay in uu si wanaagsan u garanayo askarigii lacagta ka qaatay.

Madaxa Xawaaladda Qaran Express ee Magaalada Jowhar Ibraahim Xaaji Caddow waxaa uu sheegay in aysan jirin dacwo loo qabay, balse ay ujeedada ahayd in la dhaco lacagta taalay Xarunta Xawaaladda Qaran ee Magaalada Jowhar.

Mr Caddow ayaa waxaa uu intaas ku daray in uu xiriir la sameeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana ay u sheegeen in ay wax ka qabanayaan dhaca loo geystay, inkastoo uusan sheegin Mas’uuliyiinta Maamulka ee uu la hadlay.

Magaalada Jowhar ee xarunta ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Maamulkii ka talinayay waxaa labo jeer kala wareegay gacan ku heynta Magaaladaas Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, iyadoo taasina ay keentay in ay Madaxdii Maamulka ay kala aadaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo ay haatan ku kala sugan yihiin.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >