Home arrow Ganacsiga arrow Ciidamo la soo dhigay Waddooyinka laga galo suuqa Bakaaraha
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 11 2008
Ciidamo la soo dhigay Waddooyinka laga galo suuqa Bakaaraha
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 11 March 2008

Moqdishu,(insidesomalia.org)- Ganacsiga guud ee Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa caadi ah, iyadoo ay furan yihiin inta badan Ganacsiga Suuqaas,hadana waxaa Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan kuwa Dowladda lasoo dhigey Isgoysyada Howlwadaag iyo kan Aadan Cadde oo Suuqa laga galo.

Gaadiidka dadweynaha ayaa waxay bilaabeen saaka in ay dadka gaarsiiyaan Suuqa Bakaaraha, iyagoo isticmaalaya waddooyinkii ay horay u isticmaali jireen oo xaafadaha dhaxdooda haa, waxaana taasi ay timid, kaddib markii Ciidamada Booliiska Dowladda ay dib ugu soo laabteen waddooyinka ku dhow Bakaaraha.

Sidoo kale, isgoyska Bakaaraha ayay saaka dadku si caadi ah u isticmaalayeen, iyadoo gaadiidka daweynuhuna uu imaanayay meel ku dhow Isgoyskaas, waxayna sheegeen in ay ku sugan yihiin Isgoyska bakaaraha Ciidamo Booliis ah, balse aan dadka ka celinayn in ay galaan suuqa.

Ciidamada Booliiska ah ee la keenay Isgoysyada ku dhow Bakaaraha ayaa waxay rasaas ku furayeen waddooyinka, iyadoo uu ku dhaawacmay rasaastaas qof rayid ah oo ku sugnaa agagaarka Shirkadaha waaweyn ee Isgaartiisan, mana jirto cid dagaal kula jirta Ciidamadaasi ku sugan Isgoysyada.

Dadka dukaameysiga u imaanaya Suuqa Bakaaraha ayaa waxay kasoo galayaan intooda badan wadada 30-ka oo furan, taas oo dhawaan ayka guureen Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaali ah oo ku sugnaa halkaas Muddooyinkan danbe.

Taliska Booliiska dowlada federaalka KMG ah ee soomaaliya oo ka hadlay ku soo laabashada Ciidamadooda ee Isgoysyada ku dhow Suuqa Bakaaraha ayaa wuu sheegey in taasi timid, kaddib markii ay Dadweynaha ay sameeyeen isku soo baxyo ka dhan ah Ciidamada Dowladda ee joogey Isgosyada.

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >