Home arrow Ganacsiga arrow Ciidamo Gaar ah oo Loosameyey Suuqa Bakaaraha
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:320
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:145
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:456
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 22 2008
Ciidamo Gaar ah oo Loosameyey Suuqa Bakaaraha
Written by Ali Moallim   
Saturday, 22 March 2008

Moqdishu,(insidesomalia.org) Waxaa maanta markii ugu horeysay Gudaha Suuqa Bakaaraha lagu arkay Ciidamo wata Labis isku mid ah oo sugaya Ammaanka Suuqa Bakaaraha oo muddooyinkan danbe dagaalo udhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kooxaha kasoo harjeeda kasoconayeen.

Ciidamadan oo ku labista Surwaal Madow iyo Shaar Jaalle ah ayaa waxay ku howlgelayaan magaca Ciidamada Ammaanka ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo la sheegayo in ay Ciidamadan sameeyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Ciidamadan ayay wararku sheegayaan in ay yihiin kuwo ay soo qaabeeyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir, kuwaasi oo maalmahan shirar ka lahaa sida laga yeelayo Ammaanka Suuqa Bakaaraha, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Ganacsatadu sidoo kale shirar la qaateen Guddiga Ammaanka Qaranka.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ku saabsan Ciidamadan cusub ee lagu arkay Suuqa Bakaaraha, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo sheegaya in ay sameynta Ciidmadan wax ka ogtahay.

Soo shaac bixitaanka Ciidamadan ayaa wuxuu ku soo hagaagayaa iyadoo saaka uu furnaa Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho oo muhiim u ah kala socoshada Ganacsiga Suuqa Bkaaraha,waxan manta guud ahaanba deganaa xaaladda Suuqa Bakaaraha.

Ciidamadan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo sheegay in Ciidamadan ay wax weyn ka bedeli doonaan amni darradii muddooyinkan ka jirtay Suuqa Bakaaraha, sidoo kalena ay Dadka Ganacsatada ah iyo kuwa Suuqa wax ka soo iibsada ay heli doonaan jawi degan oo ay wax ku kala iibsadaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddo bilooyin ah waxaa uu ahaa mid ay xaaladdiisa cakiran tahay, kadib markii ay gudaha Suuqa ku dagaalameen dhowr jeer Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >