|
Ciidamada Dowladda oo Lagu Eedeeyey Dhaca Suuqa Bakaaraha |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 23 February 2008 |
|

Muqdisho, (insidesomalia.org)-waxgarad kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirif ayaa ku eedeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ee soomaaliya in ay dhac ka geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha xili maal mihii aan soo dhaafnay ay howlgal ka wadeen Suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Odiyaashan oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka hadlay xaalada Suuqa Bakaaraha,kadib markii gudah u soo galeen Suuqa Ciidamada Dowladda oo baaritaano kasameynayey sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamadaasi boobka lagu eedeeyey.
Wax garadkan ayaa intasai ku darey in xalaada Suuqa Bakaaraha ay goob joog ka ahayeen sida ay wax u dhaceen taasina waxay tahay dhibaato loo geystay dadka masaakiinta ah ee kunool Suuqa bakaaraha,waxaana u geystay dad sheeganeysa Dowladd in ay uyihiin dalka waa sida ay hadalka uyiraahdeene.
Cabdulaahi Aadan Cali oo ka mid ah wax garadka Beelaha Digil iyo Mirif oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xalaada Suuqa Bakaraha ay Ciidamada Dowladda jabsadeen dukaaman fara badan oo ku yaala Suuqa Bakaraha ee Magalada Muqdisho.
Hadalka Maanta ka soo yeeray Odiyaashan ayaa ku soo aadaya xili maalmihiin aan soo dhaafnay uu Suuqa Bakaraha xiranaa, ayadoo sida lasheegeyna uusan qarsaneyn dgaca loo geystey Dukaamanka Suqaasi.
|