|
Ciidamada Dowladda Howl-Gallo ka Bilaabay Bakaaraha |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Tuesday, 13 November 2007 |
|
Mugadisho,(insidesomalia.org)- Ciidamada Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa saakay gudaha u soo galay suuqa Bakaaraha, iyadoo markii ugu horreysay la arkay Ciidamada oo Suuqa si nabadgeliyo ah ku maraya.
Ciidamadan ayaa soo galitaankooda Suuqa Bakaaraha waxa uu ka dambeeyay ka dib markii shalay Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in howl-gallo baaritaano ah lagu sameyn doono Suuqa Bakaaraha.
Ciidamadan oo wata Gawaarida Dagaalka ayaa waxaa ku soo faafeen gudaha Suuqa Bakaaraha, mana jiraan wali wax dhibaatooyin ah oo ka horyimid.
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa iyagu horfadhiya Bakhaaradooda waxaana ay ka war sugayaan baaritaano la sheegay in lagu sameynayo Goobahooda Ganacsi.
Sidoo kale Dadweynaha iyo Ciidamada ayaa saakay markii ugu horreysay la arkay iyagoo is dhex maraya, waxaa horey loobartey in Ciidamada Dowladda meelaha ay soo galaan Dadka ay ka caraan.
Xukuumadda KMG ah ee Somalia ayaa waxa ay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Amaanka Degmooyinka Hodon iyo H/wadaag oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen rabshado, inkastoo xalay ka dhaceen iska horimaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhex maray Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda.
Sidoo kale xalay waxaa weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaaday Xrunta Madaxtooyada Villa Somalia, inkastoo wali aan la soo sheegin qasaaro ay geysteen hoobiyeyaashaasi.
|