|
Beraleey Udiyaar Garoobaya Xiliroobaadka |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 12 April 2008 |
|
Marka,(insidesomalia.org)-Beeraleeyda Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxaa ay bilaabeen in ay u diyaar garooban Tabcashada xili Roobaadka soo socda.
In Kastoo Deegaanada hoos taga Gobolka Shabelaha Hoose aysan sidii looga Baahnaa uga Curan Roobabka xiliga Gu’ga ayaa hadana waxaa meelaha qaar laga Dareemayaa Roobab Goos Goos ah oo Dadka ay ku diirsadeen.
Meelaha ay Roobabkasi ka Curteen ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Marka oo ay xalay ilaa saaka ay ka Da’ayeen Roobab goos goos ah, kuwasi oo dib u soo nooleeyay rajada sii liiceesay ee Dadka Beeraleeyda ah waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogan oo ay wadaan Dadka Beeraleeyda ah si ay dib ugu bilaabaan Tacabka Beeraha.
Mid ka mida ah dadka Beeraleeyda ah ayaa sheegey in Roobaadkii Go,ga ay ka Curteen Halkasi waxaana uu sheegay in ay diyaar garoow xoogan ay ugu jiraan Tabcashada Beeraha taasi oo uu sheegay in Dadka Degaankasi ay la liicayeen Abaaro xoogan.
Arintani ayaa waxaa ay ku soo beegmeeyaa xili Ku dhawaad 4 xili beereed oo is xigay aysan wax dalag ah soo go,in sababo la xiriiray Roob la’aan Darteed taasi oo keentay in Dadka Beeraleeyda ah ay intooda badan ay ka soo hayaamaan Deegaanadooda.
|