Home arrow Ganacsiga arrow Banaan Baxa Xoog Badan oo Maanta Muqdishu Ka Dhacay
Somaliland Borama Rays Hotel
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:11
Date:05-07-2008
Bosaso, Bari, Puntland, Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:14
Date:05-07-2008
Clay Aiken - Somalia Awareness
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:18
Date:05-07-2008
Mogadishu: 2 July 2008
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:31
Date:04-07-2008
Bob Marley - Africa Unite
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:37
Date:02-07-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 05 2008
Banaan Baxa Xoog Badan oo Maanta Muqdishu Ka Dhacay
Written by Ali Moallim   
Monday, 05 May 2008

Muqdishu,(insidesomalia.org)- Waxaa sii xoogeystay banaanbaxyo saaka ka bilowday Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay dhigayaan Dad ka careysan diidmada lacagta duugowday ee Kunka shilin, iyadoo haatan ay gebi ahaanba istaageen isu socodka Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ee Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxyadan oo saaka subaxnimadii ka bilowday Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa haatan wuxuu wada saameeyay Magaalada Muqdisho oo haatan ay ka socdaan dibadbaxyo hakad geliyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga.

Dibadbaxyadan ayaa waxay ka dhaceen Waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayay dad dhalinyaro u badan oo dhagax tuur ku sameynayay gaadiidka iyo weliba goobaha Ganacsiga ee ay arkaan iyagoo furan, kuwaasi oo durba la xirayay marka dhagax-tuurka lagu bilaabo.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa saaka waxaa albaabada u laaban yihiin Goobahiisa Ganacsiga sabab la xiriirta dibadbaxyo ka dhacaya Waddooyinka dhexmara Suuqa, iyadoo dibadbaxyadaasna ay dhigayaan dad careysan oo u badan kuwo ay saameysay diidmada iyo kala soocidda lacagta Kunka Shilin Soomaaliga ah.

Waxaa jiray dad Ganacsato ah oo ay dibadbaxayaasha u soo saareen lacagta la diidayo, taasi oo markii ay diideen in ay qaataan lacagtaas burburin lagu bilaabay Mehradahoodai ganacsiga, waxaana ka mid ahaa nin ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha, kaasi oo markii uu diiday in uu biyo cabitaan ah ku iibsado lacag duugowday ay koox banaanbaxayaal burburiyeen goobtii uu cabitaanka ku iibinayay.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa hataan waxay tahay mid kacsan oo ay banaanbaxyo ka dhacayaan, iyadoo gebi ahaanna ay xirayeen Suuqyada iyo Goobaha Ganacsiga ee Magaalada.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >