Home arrow Ganacsiga arrow Banaan Bax Rabshado Wata oo Maanta ka Dhacay Magaalada Jowhar
Pirates Threaten Food-Aid to Somalia: 2008.07.19
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:63
Date:23-07-2008
Bye Bye  - Maria Carey
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:103
Date:22-07-2008
bob marley - no woman no cry
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:39
Date:22-07-2008
Somali supermodels
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:271
Date:20-07-2008
Rihanna - Hate That I Love You
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:822
Date:20-07-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 14 2008
Banaan Bax Rabshado Wata oo Maanta ka Dhacay Magaalada Jowhar
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 14 May 2008

dad banaanbaxayaJowhar,(insidesomalia.org)- Dibaxbaxyo rabshado watay oo looga cabanayay diidista lacagaha duuga ah ee Shili Soomaaliga ah ee la diidayo ayaa maanta ka dhacday Magaalad Jowhar ee xarunta Gobolka Sh Dhexe.

Dibadbaxani oo ahaa mid rabshado watay, isla markaana ay soo agaasimeen shacabka ku nool Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga Cabanayeen diidista lacagaha Duuga ah iyo kuwa jeex jeexan ee ay diidayaan Ganacsatada Magaalada Jowhar.

Dadkani oo ahaa kuwo careeysan ayaa waxaa ay socod dheer ku marayeen Wadooyinka waa weeyn iyo Suuqa Hanti wadaag ee Magaalada Jowhar,kuwaasi oo dhagxaan ku tuurayay Goobaha Ganacsiga ee furan.

Ganacsatada Magaalada Jowhar ayaa bilaabay in ay xiraan Goobohooda Ganacsi iyagoo ka Cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto dadka dhigaya dibadbaxyada rabshadaha wata dhigayey.

Goobaha Ganacsiga ugu caansan ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta lagu arkayay, iyadoo ay ilaalo xoogan ka hayaan rag aad u hubeeysan, kuwasi oo rasaas kuridayay marka dadkii banaabaxayey ay dhagxaanta ku soo ridaan xagooda.

Ma jirin wax qasaare dhimasho ah oo ka dhashay dibadbaxaasi, marka laga reebo burbur soo gaaray Goobo Ganasiga oo kuyaale suuga Magaalada.

Haweeneey ka mid ah dadkii isku soo baxay ee ka cabanayay diidista lacagaha lakala soocayo ayaa Saxaafada uga warantay in ay aad uga careeysan tahay kala sooca lagu hayo Shilin Soomaaliga ka haray lacagtii Soomaalida oo ah kunka Shilin.

Ilaa iyo hada ma jiraan goobo Ganacsi oo ka furan Magaalada Jowha, kadib markii dadkani careeysan ay bilaabeen in ay dhigaan dibadbaxyada.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee ay ka dhacaan dibadbaxayo rabshado wata Magaalada Jowhar oo looga soo hor jeedo kala sooca lagu hayo Shilin Soomaaliga, haasi oo dhoowr mar oo hore ay dhigeen dadka ku nool Magaalada Jowhar.

Waxaa jiray dhoowr mar oo ay dadku dhigeen isku soobax sidan oo kale ah, tasi oo keentay in kulan ay isugu yimaadaan Ganacsatada Magalada Jowhar, isla markaan ay go’aan ku gaareen in si aan kala soclaheeyn looqaato lacagta Shilin Soomaaliga ah,taasi oo markii danbe keentay in lagu guul dareeysto.

Arintani maanta ka dhacaday Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili guud ahaan Gobolka Shabelaha dhexe uusan ka jirin wax Maamul ah marka laga reebo Ciidamo Madani ah oo ay sameysteen Dadka degaanka, kuwasi oo aan awood u laheeyn arimahani oo kale in ay wax kaqabtaan.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >