|
Muqdisho, (insidesomalia.org)-Ciidamada Booliiska Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa saaka mar kale ku waabariistay suuqa weyn ee Bakaaraha, iyagoo halkaas ka wada baaritaano lagu sheegay kuwo ammaanka lagu sugayo.
Ciidamada Booliska ayaa galay suuqa gudihiisa, iyagoo baaritaano halkaas ka wada,waana markii ugu horaysay oo Ciidamada Booliisku halkaas baaritaan ka sameeyaan, tan iyo markii lagu badalay Ciidamadii Milatariga ee halkaasi horay u joogey.
Baaritaankan ayaa yimid, ka dib markii xalay Dagaal uu agagaarka Suuqa Bakaaraha ku dhex maray Ciidamada Dawladda iyo kooxo ka soo horjeeda, kaasi oo aan ilaa hada la ogayn khasaaraha kadhashey.
Warar aan weli dhab loo xaqiijin oo soo baxaya ayaa sheegaya in gudaha suuqa Bakaaraha laga samyn doono 3 ilaa 4 saldhig oo Boolis, si ay ammaanka suuqaas u adkeeyaan.
Waxaa iyana la qorshaynayaa in Suuqaas la kala fududeeyo loolana kala raro Suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho, sida Suuqa Xamar weyne iyo Suuq Bacaad.
Arinta Bakaaraha ayaa maalihii ugu danbaysay ahayd mid cakiran oo rabshooyin soo noq noqday ay ka dhacayeen iyadoo Dawladda lagu eedeeyey in ay halkaas Ciidamadeedu bililiqo ka gaysteen.
tan iyo intii ay burbutey Dowladdii Militiriga aheyd 1991 ayaa Suuqa Bakaraha waxaa uu xudun Ganasi uahaa guud ahaan Dalka Soomaaliya iyo Wadamada deriska la ah Soomaaliya,hase ahaatee waayadan dabe ayaa waxaa uu suuqaasi noqdey meel ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Kooxaha kasoo horjeeda.
|