Home arrow Ganacsiga arrow Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Maanta Muqdisho Lagu Diley
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 03 2008
Afhayeenka Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Maanta Muqdisho Lagu Diley
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 03 June 2008

Muqdishu,(insidesomalia.org)- Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku dileen Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay kooxaha hubeysan ku dileen nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababtii ka dambeysay dilka Murxuum Cabaas.

Guddoomiyaha Ganacasatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere ayaa xaqiijiyay dilka Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay aad uga xumaadeen dilka loo geystay Afhayeenkooda.

Sidoo kalena qof goobjooge ahaa oo arkayay sida dilka udhacay ayaa wuxuu sheegay in rag dhalinyaro ah oo hubeysan ay toogteen Marxuumka iyo qof la saarnaa gaari uu watay, wuxuuna intaas ku daray qofkaas goobjoogaha ahaa in uu jiray qof kale oo dhaawac ahaan ay uga tageen kooxihii dilka geystay.

Marxuumka ayaa wuxuu kaalin firfircoon ku lahaa isku xirka Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo weliba kahadalka dhibaatooyinka soo gaara qeybaha kala duwan Ganacsatada, wuxuuna dhawaan ka mid ahaa Ganacsato soo saartay go’aan lagu qaadanayo lacagto duugowday ee 1000-ka Shilinka Soomaaliga, taasi oo ay diideen in ay qaataan Ganacsatada yar yar ee ku Ganacsata Suuqyada Magaalada Muqdisho.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >