|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa hadal ay soo saartay maata, waxeyna ka codsatay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dala gudahiisa in aysan isku qilaafin curashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo la rajeynayo in ay bilato horaanta asbuuca soo aadan.
Agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxaamed Kheyrow ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay isla soomaan hal mar isla markaana ay isla furan hal mar,isaga oo intaasi sii raaciyey in hadii taasi la helo ay tahay iyada oo la raacay sunada Nabigeena Muxamed (NNKH).
Sheekh Maxamed Kheyrow waxaa uu timaamay in ay xiriiro la sameeyeen dhamaan Mashaayiqda,Mu'dimiinta iyo Culumaa'udiinta Soomaaliyeed ee ku nool dhamaan Gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay wax ka weeydiiyeen habeenki ay dhalatay bisha Shacbaan ee haatan gab gabada mareyso, waxaana uu sheegay in ay ogaadeen in bishaan Shacbaan ay dhalatay habeen Axad ah sidaasi daraadeedna Soonka la rajeynayo in uu noqdo maalinta Isniinta ah.
Agaasimaha Guud waxaa uu tibaaxay,hadii ay habeenka Isniinta ay dhalan weyso bisha Ramadaan in markaasi la raaci doono wixii uu Umada faray RASUULKA (NNKH) taasoo aheyd in aragti lagu soomo aragtina lagu furo.
Tan iyo wixi ka danbeeyey burburkii dalka Soomaalia,dadka Soomaaliyeed isku waafaqin in ay hal mar isla soomaan marka laga reebo dhaw bilood oo fara kutiris ah.
Ramadaanki lasoo daafay shacabka Soomaaliyeed weey isku qilaafeen soomida Bisha Barakeysan ee Ramadaan,qaar ayaa waxaa ay soomeen Khamiis qaarna waxaa ay soomeen Jimce,sidaasi si la mid ah maalinta ciida weey isku maandhaafeen waxaana ay kaa ciideen Jimce iyo Sabti
|