|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Masjidka Sh.Cali Suufi oo kudhawaad sanad u xirnaa Dagaaladii Muqdisho ka dhacayay awgii ayaa maanta dib loo furay, iyadoo salaaddii Jimcahana lagu tukaday.
Kudhawaad 200-qof ayaa maanta si jameeco ahaan ugu tukatay Masjidka weyn ee Sheekh Cali Suufi oo Maamulka Masaajidkaasi ay sheegeen in maanta iyo wixii ka dambeeya uu Masaajidka furan yahay ayna ku tukan karaan dhammaan dadka degan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir iyo nawaaxiga degmadaasi.
Macallin Maxamed Aadan Hiiraale oo kamid ah Mashaa’ikhda Masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa sheegay in muddo 11-bilood kadib uu Maanta Allaah u suurtageliyay in Masaajidka Maanta Jameeco ay ku tukadaan.
Waxa uu intaasi ku daray Macallin Maxamed in Bulshada ay ugu baaqayaan ka qeybqaadashada Afuri walaalkaaga Muslimka ah ee Baahan ee kasoconaya Masaajidka Sheekh Cali Suufi.
Mid kamid ah Jameecadii Masjidkaasi maanta ku tukatay ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay dib u furista Masaajidkaasi uuna ugu baaqayo Shacabka in wixii ay keeni karaan Masaajidka ay keenaan isla markaana loogu afuriyo walaalahooda sooman ee aan awoodin ama heli Karin wax ay ku afuraan.
Furitaanka Masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli muddo 11-bilood ah oo masjidkaasi uu u xirnaa Dagaaladii ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay in inbadan oo kamid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho iyo Masaajidda kuyaalla in laga kala cararo.
|