Home arrow Diinta arrow Golaha dhaqanka hawiye oo uga digey Dowlada in ay hor istaagto Xajka
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Nov 06 2007
Golaha dhaqanka hawiye oo uga digey Dowlada in ay hor istaagto Xajka
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 06 November 2007

Mogdishu,(insidesomalia.org) Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa dowladda KMG Soomaaliya ku eedeeyay in ay dadka Soomaaliyeed u diidan tahay in ay soo gutaan Waajibaadka Xajka Sanadkan.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Golahaasi ayaa lagu sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay iska dhaafeen in ay sanadkan soo xajiyaan kadib markii ay dowladdu soo saartay sida lagu yiri warsaxaafadeedka Baasaboor ay shirkado ajnabi ah gacanta ku hayaan oo aan kalsooni ka heysan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aan aqoonsi ka heysan Beesha Caalamka.

 

Dowladda KMG Soomaaliya ayay ugu baaqeen Odayaasha Hawiye in ay ogolaato in lagu soo xajiyo Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, bacdamaa Baasaboorka cusub uu yahay mid aanay dadka wada heysan, isla markaana uusan jirin Dal weli lagu tegay ama aqoonsi siiyey.

"Goluhu waxa uu soo jeedinayaa in dowladda KMG ay joojiso qorshaha qasabka iyo degdegta ah ee ay ku hirgelineyso Baasaboorka ay soo samaysatay, ayna u ogolaato Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah in ay soo gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah Shanta tiir ee Islaamka" ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golahaas Maxamed Xasan Xaad.

Sidoo kale Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxa uu ka digay in is-hortaagga ay Dowladda KMG ku sameysay in lagu soo Xajiyo Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu ka Dhasho kacdoon shacbi, qalalaase iyo nabadgelyodarro uga sii darta xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Hadalka maanta ka soo baxay Odayaasha ku bahoobay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay shaacisay Waaxda Socdaalka dowladda KMG Soomaaliya in aan Xajka lagu aadi karin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, isla markaana ay qasab tahay in ay Xujeydu qaataan Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay dowladda KMG Soomaaliya.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
< Prev