|
Culmaa,udinka Magaalada Marka oo Cambaareeyay Duqeyntii Mareykanka uu Kagaystay Dhuusa Mareeb |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Friday, 02 May 2008 |
|
Marka (insidesomalia.org)- Masaajida Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabelaha Hose ayaa maanta waxaa looga hadlay duqeyntii habeen hore diyaaradaha Mareykanka ay u gaysteen guri ku yaala Degmada Dhuusa mareeb oo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Al shabaab oo uu ka mid ahaa yahay Macalin Aadan Xaashi Ceyrow.
Qaar ka mid ah Culamaa’udiinka Magaalada Marka ayaa waxa ay Cambaareeyeen duqeyntii Mareykanka uu ka gaystay Degmada Dhuusa Mareeb islamarkaana ay sheegeen in ay ka xunyihiin dhibaatadii ka dhacdhay degmadaaasi waxaana Culamaa’udiinka ay sheegeen in tani aysan noqonaynin tii ugu horeysay uu mareykanka uu duqeyn ka gaysto gudaha Dalka Soomaaliya
Sheek Abaa oo ka mid ah Culamaa’udiinkii ka hadlay Masjidka Imaamu Shaafici oo maanta khudbadii Jimcaha lagu soo qaatay duqeyntii habeen hore DiyaaradahaM ay u gaysteen guri ku yaala Degmada Dhuusa Mareeb oo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Al shaab.
Sidoo kale Culamaa’udiinka ka hadlay Masaajida ku yaala Magaalada Marka ayaa waxa ay cambaareeyeen falkii Ciidamada Ethiopia ay ka gaysteen gudaha Masjidka Alhidaaya oo ay ku gowraceen Culamaa’udiin tabliiq ah oo si weyn looga yaqaano gudaha Dalka Soomaaliya.
|