|
Mugdisho, (insidesomalia.org) - Maanta oo ah Ciidda Carafo, waa Maalin farxad leh oo ay Dadka Muslimiinta ah si weyn u Maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciiddan ka mid tahay labada Ciidood ee ay Dadka Muslimiinta ah leeyihiin.
Hayeeshee Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Dalka Soomaaliya ayaan maanta si weyn looga ciidin, waxaana taas ugu wacan iyadoo uusan hagaagsaneyn Ammaanka Magaalada, isla markaana Dagaallo ka dhacay ay ku barakaceen Dad boqolaal kun gaaraya, kuwaasi oo badankood ku sugan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Maamuuska ay Dadka Muqdisho u sameeyeen Ciidda Carafo waxay kaliya Sanadkan ku soo koobantay in ay Guryahooda iyo Masjidyada ku yaala Xaafadahooda ay ku tukadaan Salaadda Ciidda Carafo oo lagu yiqiiney Dadka Mugdisho in ay aad u weynayaan.
Sidii horay u dhici jirtay ma jirin Saaka, waxaa jirey isku soo bax aad uyer qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa aysan Dagaalada kajirin lagu arkayey Caruur aan badneyn oo ku ciyaaraya Guryahooda hortooda.
Ciiddan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay jiraan Dad badan Guryahoodii ka barakacay, isla markaana ku nool geedo hoostood iyo weliba aqallo cooshado ka sameysan, kuwaasi oo ay ka sameysteen meelaha ay u qaxeen.
Dadkaas ayaa inta badan ku nool Deegaanada Ceelashada Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, Dayniile, Shiikh Cali Cabdulle iyo Galgalato, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala Duleedka Magaalada Muqdisho.
|