Nairobi,(insidesomalia.org)- Wafdi ka socda isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee oo ay hor kacayaan Gudoomiyeyaasha Isbaheeysigaayaa kulamo kula leh Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya diblumaasiyiin ajaanib ah iyo Hay'adaha samafalka ee halkaasi ka howlgala .
Wafdigan oo uu horakacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya, waxaana halkaasiay kulamo kula qaateen madax ka tirsan wakiilada Beesha caalamka ee Dalka Kenya iyo wakiilada hay'adaha samafalka oo fariisimadoodu ay ku yaalaan Magaalad Nairobi.
Prof. Max'ed Cabdi Gaandi oo ka mid ah xubnaha isbaheysiga ee ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in kulamada ay qaadanayaan ay yihiin kuwa ay ugu tala galeen in ay dadaal ugu sameeyaan arimaha Dalka Soomaaliya iyo in la socod siiyo heshiiskii lagu gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada Dalka Jabuuti.
"wafdigu halkaan wuxuu u yimid barnaamijyadii horay looga hadlay oo ay ugu horeeyso heshiiskii Jabuuti iyo in mucaawinooyin loo raadiyo dadka dhibaateeysan ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya" ayuu yiri Prof. Max'ed Cabdi Gaandi
Mar uu ka hadlayay Prof. Max'ed Cabdi Gaandi arimaha Magaalada Kismaayo oo Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay sheegtay in ay tahay qabsashadeeda mid xadgudub ku ahhanaankii dib u heshiisiineed ee Dowladda iyo Isbaheysiga ku dhex maray Dalka Jabuuti.ayaa waxaa uu sheegay in Magaaladaasi ay haatan tahay meel degan islamarkaana ay maamulka sameynayaan Isbaheysiga iyo dhinacyada kale ee gacanta ku haya, waxaana uu sheegay in magaalada Kismaayo aysan haatan wax dhibaato ka jirin.
Prof. Max'ed Cabdi Gaandi waxa uu walaac ka muujiyay hadalka ka soo yeeray Dowladda oo sheegtay in ay dib u qabsaneyso Magaalada Kismaayo oo xiligan ay maamulaan dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda.
Xubnaha Isbaheeysiga oo ay horkacayaan labada Shariif ayaa mudooyinkii ugu dambreeyay waxa ay lahaayeen galaangal siyaasadeed oo balaaran iyadoo ay sii kordheyso fur furnaantooda dhinaca siyaasada ee beesha caalamkaxili xubaha isbaheysiga ee ku sugan magaalada Asmara ay ku eedeeyeen madaxadaasiin ay ka tanaasuleen mabaadii'dii lagu dhisay isbaheysiga islamarkaana ay u weecdeen qodobo kale oo qiyaano ku ah waxyaabihii ay isbaheysiga ay ku heshiiyeen.