|
Taliyahii Ciidanka Kulmista PuntLand oo Shil Ku dhintey |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Sunday, 24 February 2008 |
|
Puntland,(insidesomalia.org)-Taliyaha Ciidanka Kulmista Puntland Xiif Cali Taar oo ka hawol galayey aaga Laascaano ee ay ku muransan yihiin Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa maanta ku dhintey shil baabuur.
Xiif ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan ku soo socday Tukaraq isaga oo ka soo ambabaxey goob Talis u aheyd Ciidankiisa, taas oo aan ka fogeyn Magaalada Tukaraq.
Shilkaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmey Afar kamid ah Ciidamdiisa,kuwaas oo dhaawacooda ay ku jiraan kuwo qaba dhaawacyo halis ah.
Marxuum Xiif Cali Taar ayaa waqtigii Cabdulahi Yusuf uu Madaxwaynaha ka ahaa Puntland noqdey Taliyaha Ciidamada Badda, balse kamid noqdey Ciidamo Madaxweynaha Somalia u raacey Koonfurta Soomaliya markii Cabdulaahi Yuusuf Madaxweynaha Soomaaliya loo doortey.
Xiif Cali Taar oo kadib loo soo magacaabey Taliye Ciidamo dagaal kula galey Gobolada Dhexe xoogag tageersan Maxaakiimtii ayaa markii dambe dib ugu soo noqdey Puntland.
Taliyahan geeriyooday manta ayaa tan iyo intii ay jirtey xiisadii Gobolka Sool waxa ku sugnaa Deganada u dhexeeya Magaalda Garowe iyo Laascaano isaga oo Taliye u ahaa Ciidamo ka Madax banaan kuwa Mamulka Puntland.
.
|