|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed ayaa ka hirgeliyay Mashruuc waraabin ah 2 labo Xero oo ka mid ah Xeryaha ay ku nool yihiin Dadkii ka soo barakacay Dagaallada ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Mashruucan waraabinta ah ayaa loogu dhisay 2 labadan Xero Barkado Biyaha lagu keydiyo waxaana loo sameeyay Booyad maalin kasta Biyo u dhaamisa Dadkaasi Qaxootiga ah.
Dadka ku nool Xerooyinkan oo ku yaala Wadada isku xirta Mugdisho iyo Afgooye agagaarka Isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa waxaa haystey Biyo la'aan ba,an, balse hada heley Biyo, ka dib markii uu Goluhu ka hirgeliyay Xeryahaas Mashruuc Waraabin ah.
Biyo la,aanta ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee la soo gudboonaada Dadka ka barakacay Dagaallada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdsiho & Afgooye.
Lacagta lagu hirgeliyay Mashruucan Wejigiisa koowaad ayaa waxaa ku deeqay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Stockholom (Sweden) taas oo hada lagu bilaabey wajigan koowaad ee Mashruucan waraabinta ah.
Hadaba sii socoshada Mashruucan lagu waraabinayo Dadkan dhibaataysan ayaa ah mid u baahan taageerada Samafalayaasha Soomaaliyeed iyo Hay,adaha Gar gaarka meel kasta ha joogeene.
|