Home arrow News in Somali
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:317
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:144
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Dec 03 2007
Muqdisho oo Maalinta Naafada Laga Xusey
Written by Ali Moallim   
Monday, 03 December 2007

NaafoMuqdisho, (insidesomalia.org) - Waxaa maanta Magaalada Muqdisho laga xusay Maalinta Naafada Adduunka gaar ahaanna Naafada Soomaaliyeed iyadoo xaflad wayn oo ay ka soo qayb galeen Xubno isugu jiray Ganacsato, Arday ka socotay qaar ka mid ah Dugsiyada waxbarashada Gobolka Banaadir, Madaxda NGO-yada qaarkood iyo Xubno kale oo lagu casuumay.

Xafladdan oo uu soo qaban qaabiyay Machadka waxbarashada Naafada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Xarunta Ururka Horumarinta dhallinyarada Banaadir ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano BAYDO ayaa waxaa ugu horreyn Xafladdaasi ka hadlay Xubno ka kala socday Ganacsatada, Dugsiyada waxbarashada, NGO-yada.

Madaxii kasoo qeyb gashey Munaasabada ayaa dhamaantooda ka hadley dhibaatada ay qabaan Naafada Aduunka gaar ahaan Naafada soomaaliyeed, waxayna shegeen in ay muhuum tahay in sidaan oo kale loo weyneyo Maalinta Naafada oo kubegan 3-da December.

Xubnahan waxay sheegeen in Naafada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad iyo aad ugu nugul dhibaatooyinka baaxadda leh ee Dalka ka jira sida Dagaallada sokeeye, barakaca, burburka iyo guud ahaan khilaafaadka baaxadda leh ee sababay in ay sare u kacaan Dadka Naafada ah, kuwaasoo haatan caga cagaynaya in ka badan 8468 Xubnood.

Gudoomiyaha Machadka waxbarashada Naafada Soomaaliyeed Mr: Cabdi Cismaan Siyaad oo Munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu horreyn waxa uu hambalyo u jeediyay guud ahaan Naafada Soomaaliyeed, isagoo sheegey in 3 december maalin caalami ah oo loo aqoonsaday inay noqoto Maalinta gaarka u ah Naafada caalamka gaar ahaan tan Soomaliya.

Mr: Siyaad wuxuu ka waramay dhibaatooyinka haatan haysta Naafada Soomaaliyeed xag maskax iyo xag jir intaba, kuwaasoo uu sheegay inay ka dhaxleen Dagaalada soo noqnoqday iyo barakaca, iyadoo ay taasi u dheer tahay in Naafadu ay tahay mid ay kala dhantaalan tahay lixdooda lixaad ee uu qofka ku shaqeyso, wuxuuna ka codsaday Beesha caalamka inay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah, sidoo kalena wuxuu ka codsaday muxsiniinta Soomaaliyeed inay walaalahooda Soomaaliyeed ee Naafada ah hargaaraan.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >