Home arrow News in Somali
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:323
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:146
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:118
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:458
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 29 2008
Madaxii Elman oo Xalay Muqdisho ku Geeriyooday
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 29 July 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Caasimadda Dalka Soomaaliyeed Madaxii Hay’adda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed, kaasi oo dhawaanahan xanuunsanayay.

Cali Shiikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ah madaxa baarista xadgudubyada Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa sheegay in Inj. Suudaan uu u geeriyooday xanuun ka haleelay dhinaca Keliyaha.

Cali Fadhaa waxaa uu sheegay in Inj. Suudaan uu dalalka deriska u tegay sidii xanuunkaas looga daweyn lahaa, wuxuuna intaas ku daray in uu dalka dib ugu soo noqday kadib markii uu xoogaa ladnaaday oo uu daweyn soo qaatay.

“Markii uu dalka ku soo noqday ayuu mar kale xanuunsaday, Isbitaal ayaana la dhigay, kaasi oo shan maalmood ka hor laga soo saaray, ilaa ugu dambeyntiina uu xalay u geeriyooday xanuunkii ka hayay dhinaca Keliyaha”ayuu yiri Cali Shiikh Yaasiin Cali Fadhaa.

Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa wuxuu madax ka ahaa Hay’ad u doodda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha, taasi oo loogu magac-daray Walaalkiis Inj. Elman Cali Axmed oo sanadkii 1996 Muqdisho lagu dilay, wuxuuna tan iyo xiligaas ku howlanaa sidii Xuquuqda Aadanaha loo dhowri lahaa, nabaddii loo soo celin lahaa, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu sidoo kale gacanta ku hayay barnaamijyo xirfado loogu abuurayo dhalinyarada iyo Caruurta aan daryeelka heysan.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >