Home arrow Caafimaad arrow Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Kusoorogey Dadka aan Qabin Talaaka oo Kadhoofaya Goroonka
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:316
Date:02-09-2008
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:688
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:117
Date:15-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 06 2008
Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Kusoorogey Dadka aan Qabin Talaaka oo Kadhoofaya Goroonka
Written by Ali Moallim   
Sunday, 06 July 2008

Muuqaalka Gudoomiye Ku Xigenka Goolka Banaadir Mr Dhaqax TuurMuqdisho, (insidesomalia.org) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in aysan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofi doonin kana soo degi doonin cid aan talaal qabin.

 

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Talaadada soo socota  aan la ogolaan doonin in ay ka dhoofto, kana soo degto Garoonka Aadan Cadde cid aan tallaalneyn, “Qofka dibadda ka imaanaya wuxuu keenayaa haddii uu wato caddeymo muujinaya halka uu tallaaka ka soo qaatay, qofkii aanan tallaal qabinna waa la tallaalayaa”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.

 

“Dhoofayaasha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in ay seddex maalmood ka hor ay tallaalka qaataan, ciddii ka dhego adeygto baaqa aan jeedineyno  ee aan tallaalkaas qaadan-na wixii dibu dhac ah ee ku yimaada duulimaadkeeda iyada ayaa mas’uul ka ah”ayuu mar kale  yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo sheegay in amarka tallaalka ah ee ay soo rogeen uu yahay mid caalami ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, waxaa uu intaas ku daray in howsha tallaalka ay fulineyso Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo uu sheegay in lagala xiriirayo arrimaha tallaalka la xiriira.

 

Amarkan tallaalka ah ee lagu soo rogay Dhoofayaasha iyo soo degayaasha ayaa waxaan la ogeyn in ay wax ka ogtahay Wasaaradda Caafimadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena la is-weydiin karo dawada qofka la tallaalayo lagu mudayo tiiyoo la ogyahay in Soomaaliya xiligan ayasan oolin dawo leh tayo si heer sare ah loo baaray (high quality control medicine), isla markaana dawada taala ay tahay mid ay ganacsato keensadaan.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >