Home arrow Caafimaad arrow Isbitaalka Madiina oo la Dhigay Dhaawacyadii ugu Badnaa
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:103
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:105
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:39
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:49
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:42
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 24 2008
Isbitaalka Madiina oo la Dhigay Dhaawacyadii ugu Badnaa
Written by Ali Moallim   
Sunday, 24 August 2008

canug Dhaawac ah oo jiifa Isbitlaaka MadiinaMuqdisho, (insidesomalia.org)- Madaxa Isbitaalka Madiina ee Muqdisho oo maanta saxaafada kula hadlay isbitaalkaas ayaa sheegay in dhaawacyada isbitaalka yaala ay ka badan yihiin intii loogu talogalay inuu Isbitaalku qaabilo.

 

Dr. Maxamed Yuusuf oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in 136-bukaan ay iminka jiifaan Isbitaalka Madiina, kuwaasoo ku dhaawacmay dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay.

 

"Isbitaalka waxaa loogu talogalay inuu qaabilo 65-qof oo qura, balse waxaa haatan yaalaa in ka badan laba laab, culeys ayayna arrintaas ku haysaa Isbitaalka" ayuu yiri maamulka Isbitaalka Madiina.

 

Isbitaalka Madiina ayaa ayaa waxaa la gaarsiiyay tiro dhaawacyo ah 24-kii saac ee ugu dambeeyay, kuwaasoo ka dhashay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay hareeraha suuqa weyn ee Bakaaraha iyo Madaxtooyada.

 

"Dhaawacyadii nala soo gaarsiiyay waxaa ugu daran saddex qof oo dhaawacyo halis ah ay ka gaareen madaxa, kuwaasoo ku jiray (Qolka soo kicinta) mid ka mid ah ayaana dhintay" ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

 

Madaxa Isbitaalku wuxuu sheegay in dawooyin ku filan ay haystaan, balse ay dhici karto in dawooyinka ay ka go'aan haddii ay sii socdaan dhaawacyada lasoo gaarsiinayo.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >