Home arrow News in Somali
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:423
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Dec 06 2007
Isbitaalada Muqdisho & Dhaawaca Yaala
Written by Ali Moallim   
Thursday, 06 December 2007

Muqdisho, (insidesomalia.org ) - Dowladii Militiraga aheyd ee Soomaaliya oo Xukumejirtey Dalka Mudo 21 Sano ah oo ay Xukunka ka tuuteen Jabhado hubeysan hiraantii 1991-dii, kadib waxaa bur burey gebi ahaanba adegyadii Bulshada iyo ilihii dhaqaalo ee uu Dalka uu lahaa.

Soolaaliya waxay lahaan jirtey Isbitaalo ay Dowlada Muumuli jirtey kuwaasi oo Dadka Dawo lacag la,aan ah ka heli jirey, Magaalada Mugdishu waxaa ku yaala Isbitaalo caan ka ah Dalka Soomaaliya Isbitaaladaasi waxaa kamid ahaa Mariina Hospital oo kuyaala Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho Isbitaalkaasi Mariina waa Isbitaal aad ufacweyn kana mid ah Dhismooyinka qadiimiga ah oo kuyaala Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, maanta ma shaqeynayo waxaana uu hoy u yahay qaar kamid ah Asakartii ku soo dhaawacantey Dagaaladii u dhaxeyn jirey 1977 Dawladihii bur burey ee Soomaaliya iyo Itoobya.

Isbitaalka Digfeer oo ay wadagaranayaan Dab badan oo Saamaali ah ayaa isku bedeley maal uu Ciidan deganyaahay, 16 sano oo ay Dalka Dagaalada ahliga ah kasoconayeen waxaa guri aahaan u degey Isbitaalka Dad Qaxooti ah oo Magaalooyin kale oo Dalka kamid ah kasoo bara kacay, dhamaan Qalabkii uu lahaa Isbitaalka Digfeer ayaa wuxuu ku burbureen xarig jiidkii udhaxeeyey qabaa,ilada ku Dalaagalamayey Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Maanta Degfeer waxaa uu Xarun u yahay Ciidamada Itoobiya waxayna u isticmaalayaan korkiisa Madaafiicda meelaha fug fug lagu duqeynayo waxay dul saaranyihiin Isbitaalka korkiisa oo ay ku rakibteen Madaafiic waaweyn loona adeegsado duqeyn Magaalda marka ay dhacaan isku hor imaadyada hubeysan.

Isbitaalka Banaadir oo ah Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ayaa asana kamid ah Isbitaalada Magalaadal Muqdisho oo ku bur burka Dagaalada Dalka kadhacayey hase ahaatee wax xoogaa waa uu ka rajo fiicanyaahay Isbitaaladii lamidka ahaa sida Digfeer, waxaa ka hoowl gala Isbitalka Banaadir Shaqaalo aan cidina Mushaar siin oo rajo kunool ah, mararka qaar Isbitaalka Bnaadir waxaa uu kaalmo kahelaa Ganacsato Soomaali ah iyo hay,adaha Dowooyinka bixiya sida ay insidesomalia uheegeen qaar ka mid ah hool wadeenada Isbitaalka.

Isbitaalka Madiina oo ah Isbitaal ay leeyihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ah Isbtitalka keliya oo kabed baadey dhibaatooyinkii ka dhacay Dalka Soomaaliya, wxuuna ka mid yahay Isbitaalada faro kutirska ah ee sida aadka ah loo geeyo Dadka ku soo dhaawacma Dagaalada ka dhacaya Muqdisho.

Isbitaalka Madiina waxaa xaga Daawada ka kaalmeeya Hay,ada ICRC sida aan kasoo xiganey Maamule ku xigeenka Isbitaalka Madiina Mr: Cali Cade, Isbitaalka Madiina waqti xaadirkan waxaa jiifa Dad qaba dhaawacyo kal duwan oo kur udhaafaya 200 oo Qofood ,Dadka Bukaan ah waxaa laga qaadaa khidmo aan ugu talo galney in aan Mushaar uga dhigno Shaqaalaha Isbataalka ayuu yiri Mr: Cade.

Burbukii Dowladii Militiga oo uu Xukumi jirey Maxamed Siyaad Bare, kadib oo wax walbo ay bur bureen ayaa Dalka waxaa ka hana qaadey Isbitaalo gaar loo leeyahay kuwaas oo ay maal gashadeen Ganacsato Soomali ah, Dhaqaatiirna kala yimid Dibada,

Hase ahaatee Isbitaaladaasi gaarka loo leeyahay ayaa waxaa Dadka looga qaadaa lacag fara badan waxayna udhaxeysaa lacagta ay 1halkii Bukaan kaqaadaan marka uu rabo in labaaro cudurka uu qabo 50$ Doolar oo udhiganta 1000.000 sh so. ah,taas oo culeys ku ah Dadka Dagaala ay aafeeyeen oo Noolsha la daala dhacaya.

Qofka qaliinka ubaahada waxaa ku kacda lacag dhan 300$ ilaaa 400$ oo Doolar lacagtaasi bixinteeda uma fududa Dadka Muqdisho kunool badankooda, waxaa kaloo jira Goobo Caafimaad oo ayaguna soo shacbaxay bur burka ka dib oo ay fadhiistaan Dhaqaatiirta qaar kamid ah kuwaasi oo ay maalgashadeen Dad gooni ah ,lagu daaweeyo Caruurta iyo Hooyooyinka kasoo jeeda Dadka lacagta leh, Isbitaalada gaar loo leeyahay oo kuyaala Magalada Mugdisho waxaa kamid ah: AL- XAYAAT HOPITAAL CARAFAAD,DAARU SHIFA, XABEEB HOSPITAL AL, AL-IMARA, NEW BANAADIR, HANAANO HOSPITAL,IYO DEYNIILE.

Isbitaaladan qaarkood ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshey Dagaalada kasoconaya Magalada Mugdisho oo udhaxeeya Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya oo ay taageerayaan Ciidamada Itoobiya iyo kuuxaha wax iskacabinta oo looyaqaan AL-SHABAAB.

Waxaa kaloo kamid ah Isbitaalada sida aadka ah loo geeyo Dadka Bukaanka ah iyo kuwa qaba Dhaawacyada, Isbitaalka Keysaney oo ay sitoos ah gacanta ugu hayso Hay.ada laanqeyta cas ee ICRC, Wuxuuna ku yaalaa Isbitaalka Keysaney dhanka waqooyi ee Duleeka Magaalada Muqdisho.

Isbtiaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS ayaa asana waxaa lasoo gudboonaadey dhibaatooyin lixaad leh tan iyo intii ay burburtey Dowladii Militiriga aheyd , waxaa Maamula Isbitaalka SOS Hay,ad Tiliyaani ah, waxaana lagu Xanaaneeyaan Caruurta aan waalidka laheyn , marar badan ayaa la weerarey Isbitaalka SOS waxaana ugu danbeeyey Dilkii loo geystey Sooradii ka shaqeyneysey Isbitaalka SOS,dhamadkii Sanadkii tagey, falkaasi oo lagu eedeeyey in ay kadanbeeyeen Ciidamo katirsanaa Madowgii Maxkamadaha oo xiligaasi Maamulayey Magaalada Mugdisho.

Inta ay soo gashey Mugdishu Dowlada KMG Soomaliya iyo Ciidamada Itoobiya Isbitaalka SOS waxaa ku dhacy dhoor Madfac oo dhibaato gaarsiiyey Dad Bukaan ah oo jiifey Isbitalka, waxaana soo gaarey qeybo kamid Isbitalka bur bur xogan.

Isbitaalka Deyniile oo la dhisey dhowaan, oo ay dhismihiisa ay gacan ka geysteen Dad ku nool Qurbaha iyo Ganacsato Soomaalia ah, walow uu hada qeybo kamid ah Isbitaalka dhismooyin kasocdaan, ayaa hadana waxaa la dhihi karaa waxuu ku jira kaalin muhiim ah, waxaa uu kuyaalaa Isbitaalka Degmada Deyniile ee Duledka Magalda Mugdisho.

Dagaalada ka soconaya Magaalda Mugdisho oo bilowdey horaantii Sandka aanu ku jirno ayaa waxaa larumeysanyaahy Dadka ku dhaawacmey in ay ka badanyihiin 1000 Qofood kuwaasi oo maanta ku dan dareysan qaar kamid ah Isbitaalada Magaalada Mugdisho Dhaqaatiirta Magaalada Mugdisho, qaar ka mid ah waa ladiley kuwii klana waa ay carareen markii ay ubaqeen naftooda.

Waxaa hada ka howla gala Isbitaalada Magaalada Mugdisho Dhaqaatiir soo baxdey bur bukii kadib, marki laga reebo kuwo fara kutirs ah oo ayaguna Guryaha dhadooda ku leh Rugu Caafimaad oo ay Dad qaas ah ku daaweeyaan.

Dadka dhaawac ah oo hada yaala Isbitaalada Mugdisho ayaa ubadan Dad danyer ah oo ku soo dhaawacmey Dagaalada ka dhacaya Mugdishu, hase ahaatee waxaa ay la daala dhacayaa Dhaqqtiir aan sidaasi khibtad ulaheyn daaweynta Dadkan, waxaa beriyahan danbe la arkayaa Dad Soomali ah oo Qurbaha jooga hadan isku shuqlinaya in ay gar gaaraan Lacageed soo gaarsiiyaan Dadka Soomaaliyed oo ku jira Isbitaalada Mugdisho waxayan isoo marinayaan Shaqsiyaad ay aaminsanyihiin ay gaarsiin kartaad deeqda ay soo dhiibeen. Balse Dhul oomane ah 1 hal Litir oo Biyo ah ma waraabiyo.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >