|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Iyada oo asbuucyadii la soo dhaafay ay buuxdhaafiyeen dhaawacyadii la geeyey Isbitaalda Daynile iyo Madiina ayaa maanta waxaa lagudoonsiiyey lacag deeq ah oo ay soo dhiibeen Dad Soomaaliyeed oo Dibada kunool.
Dadkan bukaan ah oo kusugan Isbitaaladaas oo la ildaran dhaawacyo ayaa intooda badani waxaa uu dhaawac kasoo gaarey Dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sida ay saxafada u sheegtay Caasha Cisman Ugaas ( Caasha Shaacuur ) oo iyada loo soo wakiishay qeybinta Lacagtaan Deeqda ah ayaa kacodsatey Dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan in ay caawiyaan walaalohooda Soomaaliyeed oo dhibaateysa.
Isbitaalka Madiina oo bukaanada hada ku jira ay gaarayaan 165 bukaan ayaa waxey ka mahad celiyeen gacanta loo fidiyey sidoo kale waxaa ka Hadley Deeqdan. Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr Xasan Cisman Ciise (Dr buurane) oo shaagay in ay ku soo aaday Deeqdaan xili ay u baahnaayeen bukaanada jiifa Isbitaalka ee la il daran dhaawacyada.
Sida lagu soo waramayo Dadka jiifa Isbitaalka Madiina ayaa ubadan dhalinyaro inkasta oo ay ku jireen caruur iyo haween, Dadka qaarkood ayaa waxaa ka maqan xubno muhiim u ah Jirkooda sida Gacan, lug.
Faadumo Maxamuud Cadaawe waxey ka mid tahay Dadka jiifa Isbitaalka Dayniile waxaana dhaawac ka soo gaaray dagaalkii ugu danbeeyey oo kadhacay Xafada Gubta iyada oo xaamilo ah.
Faadimo markii qaliin lagu sameeyey ka dib ayey fooli qabatay taasoo keentay in mar labad Qaliin lagu sameeyo isla markaana lagu guuleystay in la badbaadiyo ilmihii iyo hooyo Faadumo Maxamuud Cadaawe oo xaaladeedu cafimad ay hada ka soo reyneyso.
|