|
Muqdisho, (insidesomalia.org)- Isbitaalka lagu daweynayo indhaha oo loogu magacdaray NEC-CENTER (National Eye Center) ayaa maanta laga guray Muqdisho, iyadoo isbitaalkaan uu qaab lacag la'aan ah ugu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.
Isbitaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo laga furo Muqdisho, waxaana xaflada furitaanka kasoo qaybgalay dadweyne fara badan iyo dhaqaaqtiir, iyadoo hadalo kala duwan laga jeediyay xaflada.
Dhaqaatiirtii hadalada kala duwan jeediyay ayaa waxay dhamaantood sheegeen in xaruntaan cusub ay qayb ka tahay kuwa lagu horumarinayo caafimaadka indhaha ayna tahay mid qiimo badan u leh bulshada.
Furitaanka Isbitaalkaan cusub ayaa waxaa iska kaashaday Hay'adaha WHO iyo MANHAL oo ka mid ah hay'adaha dhanka caafimaadka ka shaqeeya ee ku sugan Soomaaliya, waxaana laga furay Isbitaalka Degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Buulo xuubeey.
Waxaana Kasoo qaybaglayaashii xaflada oo ka hadlay iyaguna goobta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka xaruntaan caafimaad ee Indhaha, waxayna xuseen inay faa'iido weyn ugu jirto dadka Soomaaliyeed.
Dr Cabdi samad Xasan Haye oo ka mid ah Mas'uuliyiinta xaruntan cusub ayaa sheegay in qorshooyinkooda cusub ay qayb ka yihiin sidii ay uga sameyn lahaayeen gobolada dalka xarumo cusub oo lagu daweeyo Indhaha.
Xaruntan ayaa kuwo la mid ah waxaa horay looga furay gobolada Puntland iyo Somaliland, iyadoo tani ay tahay tii sadexaad, laguna wado in lagu daweeyo dadka xanuunada indhaha qaba ee ku nool koonfurta Somalia.
|