|
Garbahaarey (insidesomalia.org)- Nin dhalinyaro ah oo ku hubeysan Qori AK 47 ah ayaa maanta wuxuu dhaawac halis ah gaarsiiyay Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdulaahi Ciiro.
Ninkan dhalinyarada ah ee Guddoomiyaha dhaawacay ayaa la sheegay in uu ka careysnaa isbedel lagu sameeyay Hogaanka Isboortiga Degmadaas,kaas oo dhowaan hogaankiisa uu isbeldel ku sameeyey Gudoomiya Degmada Garbahaarey Mr:Ciiro.
sida lagu soo waramayo Nika falka geestey iyo Guddoomiya ayaa waxaa dhaxmarey muran, kahor intii aan Rasaasta lagu furin Gudoomiyaha.
Wararka ayaa waxay sheegayaa in Rasaas badan ay Jirkiisa ku dhacdey Guddoomiyaha, waxaana markaasi kadib loola cararey asagoo dhaawac ah Isbitaal kuyaala Degmada Luuq oo 100 KM ujirta Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Ninkii weeraka ugeestey Guddoomiyaha ayaa baxsaday, hase yeeshee waxaa haatan baadigoob ugu jira sidii loo soo qaban lahaa Oday Dhaqameedyo ay isku heyb yihiin Ninka falka geestey.
Dadka ku dhaqan Degmada Garbahaarey ayaa si weyn uga xumaaday dhaawaca loo geystay Guddoomiyahooda, waxayna kacadosadeen Odiyaasha Dhaqanka haatan ku raadjooga denbeelaha geestey falkan naxadinta leh in ay si deg deg ah usoo qabtaan Ninkan Falka Geestey.
|