Home arrow News in Somali
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:422
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 29 2008
Fannaan Soomaaliyeed oo Nairobi ku Geeriyooday
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 29 July 2008

Nairobi,(insidesomalia.org)- Waxaa Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ku geeriyooday Fannaan Cabdirisaaq Xasan Kuukaay, kaasi oo ka tirsanaa Kooxihii Waaberi iyo Shareero ee dalka Soomaaliya caanka ka ahaa.

 

Sida uu Idaacadda Horn Afrik u sheegay Maxamuud Maxamed Ooyaaye oo ka tirsanaa Kooxdii Dur-dur waxaa uu Fannaanka u geeriyooday Xanuunka Kaadi-macaanka oo in muddo ah hayay.

 

“Inkastoo uu xanuunkaas qabay hadana beryahaan waa uu ka soo reynayay, wuxuuna geeriyooday isagoo si caadi ah u seexday”ayuu yiri Maxamuud Maxamed Ooyaaye oo sheegay in markii uu soo toosi waayay xiligii looga bartay, isla markaana uu qaban waayay taleefoonkiisa oo ay ka waceen ay jebiyeen qolkii uu jiifay, kadibna ay arkeen isagoo dhintay.

 

Alle ha u naxariistee Fannaan Cabdirisaaq Kuukaay waxaa uu ahaa Fannaan ku luuqeeyay Heeso badan, sidoo kalena wax ka jilay Riwaayado lagu soo bandhigay Tiyaatarkii Qaranka, isagoo Riwaayado la sameeyay Fannaaniin ay ka mid yihiin Maxamuud Cabdullaahi Sangub, Saado Cali Warsame, Qadra Daahir Cige, Feynuus Shiikh Daahir iyo kuwo kale.

 

Riwaayadihii uu wax ka dhigay waxaan ka xusi karnaa Maxaa Gacalkii Kala Geeyay?, Horta Caasi Yaa Dhalay? iyo kuwo kale, iyadoo lagu xusuusto hees caan-baxday oo  Banaadiri ah, taasi oo ah Maanaay Maana.

 

Fannaanka oo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore ku noolaa dalka Kenya ayaa waxay meel ku wada noolaayeen Fannaaniin kale oo ay ka mid yihiin Cabdi Cali Bacalwaan, Khadiijo Foodey Nuur, Muslimo Qaasim Hilowle iyo kuwo kale.

 

Alle ha u naxariistee Fannaan Cabdirisaaq Kuukaay waxaa uu ifka kaga tegay afar caruur ah oo haatan ku kala nool Dalal ka tirsan Qaaradda Yurub, gar ahaan Dalalka Holland iyo Sweden.

 

Ugu dambeyntiina, Sanadkan oo kaliya waxaa geeriyooday Fannaaniin badan oo caan ahaa, kuwaasi oo kala ah Abwaan Xasan Shiikh Muumin, Maxamed Yuusuf, Axmed Nuur Jaangow, Cabdullaahi Amiir Rooble Aw kuu kuu, Macow Aw diinle, Cabdalla Nuuraddiin Axmed iyo Xasan Diiriye Faarax.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >