|
Dhaawacyo Farabadan oo Lagaarsiiyey Isbitalka Madiina |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Friday, 18 January 2008 |
Mugdisho (insidesomalia.org)- Isbitaalka Madiina ee Magaalada Mugdisho ayaa maalintii shalay ahayd waxaa la gaarsiiyay dhaawacyo ka badan Sariiraha Isbitaalkaas yaala oo gaaraya 65 Sariidood.
Dr. Daahir Maxamed Maxmauud (Daahir Dheere) oo ka mid ah Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Madiina , isla markaana ah Agaasime ku xigeenka Isbitaalka ayaa sheegay in ay shalay gelinkii dambe ay soo gaareen Dad dhaawacyo kala duwan qaba oo tiradooda ay gaareyso 96 Ruux, kuwaasi oo isugu jira Haween, Caruur iyo Rag da’ah oo kala duwan.
27 ka mid ah Dadkaas waxay ahaayeen Dumar, 19 Caruur, inta kalena waxay ahaayeen Rag, dhamaantoodna waxay qabeen dhaawacyo ka soo gaarey Madaafiicdii shalay lagu Qaraacay Magalada Muqdisho ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Dheere.
Dhaqtarku waxaa uu intaasi ku daray in Isbitaalka Madiina uu culeys xoog leh soo food saaray, wuxuuse caddeeyay in ay dadaaleen oo ay gargaar deg deg ah u sameeyeen Dadkii dhaawaca ahaa ee isbitalka lakeeney, kuwaasi oo uu sheegay in ay seddex ka mid ah dhinteen kadib markii Isbitaalka la geeyay.
Isbitaalka Madiina hadda waxaa dhaawac ahaan u jiifa Bukaanno ka badan 150 Ruux oo isugu jira kuwo horay u jiifay Isbitaalka iyo kuwo shalay la soo gaarsiiyay sida uu sheegey Dr. Daahir Dheere oo in taas ku daray in kadib markii ay buux dhaafeen Sariirihii Isbitaalka, haatan Dadka lagu daweynayo Geedaha Isbitalka kuyaala hoostooda.
Dagaalkan shalay ka dhacay Mugdisho ayaa wuxuu sababay in ay dhinteen Dad ka badan 20 Ruux, halka uu dhaawac soo gaaray Dad kale oo iyana ka badan 100 Ruux, waa sida ay sheegayaan warar aan ka helnay Isbitaallada Madiina iyo Keysaney ee Magaalada Muqdisho.
Wuxuu ahaa Dagaalkii shalay midkii ugu ba’naa ee Muqdisho ka dhacay muddooyinkan dambe,waxaana Madaafiic aan loo meel dayin lagu duqeeyay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo ay Dad badan ku sugnaayeen iyo weliba Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Waaberi, Wardhiigley iyo Kaaraan, kuwaasi oo ay ku dhaceen Madaafiic hoobiye ah.
Dhanka kalena xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxay tahay mid degan oo aysan ka jirin wax iska horimaadyo ah, iyadoo inta badanna ay Dadku guryahooda ku nasanayaan Maadaama ay tahay Maalin Jimca ah.
|