|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Deeq lacageed oo ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norway ayaa lasoo gaarsiiyey Bukaanadda jiifa isbilaada ka ah Keysaneey, Martiino Hospital , iyo Madiino.
Deeqdaan lacageed oo gaareysay USD1,050 ayaa loo qaybiyey Bukanadii la ildarran dhaawacyaddii ka soo gaaray Dagaaladda ka dhacaya gudaha iyo daafaha Magaaladda Muqdisho
Kaalmadan lacageed oo la gaarsiiyey Isbitaaladan sedaxda ah ayaa waxaa loo qiibiyey Bukaano tiradooda ay ku udhaafieyso 102 Bukaan waxeyna u kala heleen 90.000 sh.so. ah Bukaankiiba .
Cali Maxamuud Yusuf (Cali Bile) oo ah Kusimaha Maamulka Isbitaalka kaeysaneey ayaa ka Mahad celiyey Deeqdaan wax ku oolka ah ee maanta la soo gaarsiiyey, waxaana uu sheegay in ay ku soo aaday xilli xasasi ah isla markaasna loo baahnaa Deeqdan.
Sidoo kale waxaa asagana deea lagaarsiiyey Isbitaalka Naafadda Xooga Dalka soomaaiyeed ee Martiino halkaas oo ay ku jiraan Ciidamadii hore oo ku soo naafoobey dagaaladii ay horey Soomaaliya ula gashey Itoobiya .
Bukaano jiifey Isbitaalka Madiino ayaa ayaguna lagaarsiiyey Deeqdan lacageed kuwaasi oo gaaraya 106 Bukaan una badnaa Haween iyo Caruur oo ku soo dhaawacmey Huubiyaalka lagu tuurayo Magaalada dhaxdeeda.
|