|
Marka,(insidesomalia.org)- In ka badan 150-qof oo uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabelaha hoose.
Cudurka shuban biyoodka ayaa faraba’an ku haya Degmada Marka ee gobolka Shabelaha hoose, halkaasi kaasi oo soo ritay tiro dad ah oo u badan caruur waxana si weyn looga dareemay labadii maalin ee ugu danbeeysay magaalada Marka iyo deegaanada ku xeeran.
Cisbitaalka magalada Marka ayaa waxaa la dhigay oo jiifa dad kor u dhaafaya 150-ruux oo u badan caruur ay dadooda ka hooseeyso 10-ka sano kuwaasi oo uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka.
Dr Cabdi Raxmaan Bilaal oo ka mid ah saraakiisha isibtaalka Magaalada Marka ayaa sheegay in todobaadkani oo kaliya ay 4-ruux ugu geeriyoodeen isbitaalka cudrkasi, isla markaana ay ku dabiibayaan in ka badan 150-qof oo kale oo uu soo ritay cudurka Shubanka.
Dr waxaa uu intaa ku daray in awooda Cisbitaalka iyo dadka la keenayo ee uu soo ridanayo cudurka ay kala badan yihin isla markaana ay iminka Buuxsameen Sariiraha loogu talagalay Bukaanada ayna jifiyaan Jardiinooyinka iyo Qolal uu sheegay in si KMG ah ay ugu diyaariyeen dadkaasi.
Xiligan oo gobolka Shabelaha hoose uu yahay xiliga ugu kuleylka Badan ayaa waxaa dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka laga keenay deegaano ay ka mid yihiin Shalaanbood, Ceel Jaale iyo Deegaano kale oo ka mid ah gobolka shabelaha hoose, kuwaasi oo lagu dabiibayo Cisbitaalka magaalada Marka.
Faafida Cudurkani ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili saraakiisha iyo dhaqaatiirta caafimaadka ee gobolka Shabelaha hoose ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo lagu ciribtirayo Saameynta cudurkani iyo waxyaalaha uu ka dhasho.
|