|
Muqdishu,(insidesomalia.org)-Boqolaal Soomaali ah ayaa ka faa’ideysta adeegyada Caafimaad ee ay bixiyaan Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo dadkaasi xarumaha ay degan yihiin Ciidamada loogu sameeyo Gargaar Caafimaad oo kala duwan.
Baabuurta ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qaadaa dadka xanuunsamn iyo kuwa qaba dhaawacyada si loo gaarsiiyo Xarumaha ay degan yihiin Ciidamada AMISOM, si loogu sameeyo Gargar Caafimaad.
Joseph Asea, oo ah Sarkaalka u qaabilsan dhanka Caafimaadka Ciidamada Ugandha ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maalin kasta ugu yaraan 450 Bukaano Soomaali ah loo fidiyo Gargaar Caafimaad.
"Waxaan u adeegsanaa daaweynta Dadka Bukaanka ah wax walba oo aan awoodno, laakiin hada waxaa naga dhamaaday,Daawadii aynu ku dabiibi jirey Bukaanka ayuu yiri Madaxa Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho Joseph Asea.
Joseph Asea, wuxuu sheegay in mararka qaar ay uga soo gadaan Daawada Bukaanka Suuqa, si ay ugu daaweeyaan dadka xanuunsan, Laakin wuxuu walaac ka muujiyey MrJoseph, in daawadu ay tahay mid dhacday ama faalso ah waa tan suuqa laga sooqaadee.
"Wiilkeyga waxaa ku soo booday daacuun caloole, waxaa la igu qasbay inaan kula cararo Isbitaalka Ciidamada Ugandha, waayo daawado waa mid tayo leh, isla markaana lacag la’aan ah” sidaasi waxaa tiri Fadumo Aden oo dhabta ku haysay wiil yar oo shan Bilood jir ah oo ay dhashey.
Ciidamada Ugandha ayaa waxay sameeyeen Xarumo Caafimaad oo Teendhooyin ka sameysan oo ay ku dabiibaan dadka bukaanka ah ee k u sugan Magaalda Muqdishu, kuwaasoo kuyaala gudaha Xerada Ciidmada Ugaandha ee Duleedka Guroonka Diyaaradaha Adan Cadde.
Uganda waa wadanka labaad ee ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya, waxaaana ay qayb ka yihiin 8000 oo Ciidamo ah oo la doonayo in la keeno Soomaaliya, laakin waxaa la hayaa oo kaliya 2400 oo ka kala socda wadamada Ugaandha iyo Burundi
Xaaladaha dagaal ee ka jira Soomaaliya ayaa waxay keeneen in baahi dhanka caafimaadka ah ay aad ubadato.
|