|
Kismaayo (insidesomalia.org)- Afar Caruur ah ayaa xaley Maqribkii dhaawacantey, ka dib markii Bam Gacameed ay kuciyaarayeen uu ku Qarxay, kaas oo ay kasoo qaateen Xero ay degenaanjireen Militerigii hore Soomaaliya oo ku taala Deegaanka Far Jano ee Magaalada Kismaayo.
Caruurta dhaawacantay ayaa waxey kuciyaarayeen Bam Gacameedka, waxaana ku jiray labo walaalo ah oo mid ka mida uu gacanta midig ka go’ay, halka kuwii kalena uu wejiga ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Caruurtan ayaa dhaawacooda waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo hada lagu daweynayo, waxaana xaaladooda caafimaad insidesomalia uga waramay Aabaha labo ka mida Caruurta dhawacantay.
Cali Max’ed Saleemaan oo ah Aabaha Caruurta Bamka ku Qarxay ayaa sheegey in uu si aad ah u liito wiilkiisa yer ee Gacanta kago,ay, waxaana uu tilmaamay in Caruurtii kale ay ka soo reeynayso xaaladooda caafimad .
Dad ku xeel dheer arimaha Miinooyinka ayaa sheegaya in ay walxaha Qarxa ay kabooxaan Magaalooyin badan oo kuyaala Dalka Soomaaliya, waxaana ku talinayaan in laga fogeeyo Caruurta meelaha ay yaalaan walxaha Qarxa.
Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ka dhaca Magaalada Kismaayo Sanadkan, waxaana Dadka degan Magaalada Kismaayo ay walaac ka muujiyeen Walxaha Qarxa ee ay Caruurtani ku dhaawacantay oo kubadan Magaalada Kismaayo.
1991-gii markii ay burburtey Dowladii Maxamed Siyaad Bare ayaa waxaa jirey dhibaatooyin ay Dadka ugeeysanayeen walxaha Qarxa,kuwaasi oo iska daadsan meel kasto oo Xiro Ciidan ahaanjitey.
|