|
Hiiraan,(insidesomalia.org)-Waxaa sii kordhaya caruurta cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooneysa gobolka Hiiraan.
Dhimashada caruurta uu asiibayo cudurka Shuban biyoodka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayay Degmooyinka Jalalaqsi, Buuq-aqable iyo deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo la sheegayo in ay ku geeriyoodeen caruur gaareeysa 7 canug, kuwaas oo da'doodu ay ka yartahay 5 sandood.
Wararka ka imaanaya Degmooyinka uu ka taagan yahay cudurka shuban biyoodka ayaa sheegaya in caruurta geeriyootay iyo kuwa haatan la ildaran ay ka soo jeedaan qoysaskii dhawaan ka barakacay dagaaladii ka dilaacay gudaha Magaalada Baladweyne.
Xaalada caafimaad ee caaruurta iyo haweenka uurka leh ee ku kala sugan degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa laga soo deyrinayaa Maadaama Gobolka hiiraan uusan laheyn xarumo caafimaad oo lagu dabiibo dadka bukaanada ah marka laga reebo Isbitalka weyn ee Magaalada Baladweyne oo ay gacan ku hayaan hay'ado samafal ah.
Saraakiisha caafimaad ee gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya hay'adaha caafimaad ee ka shaqeeya gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ay ku daadalayaan sidii ay u furi lahaayeen goobo lagu dabiibo dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka inkastoo illaa haatan aysan wax tilaabo ah qaadin.
Dilaacitaanka cudurka shuban biyoodka ayaa loo sababeynayaa isbadal ku yimid biyaha wabiga shabelle oo ay isticmaalaan dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo Isbadal kuyimid iyo kuleylo ka dilaacay Gobolka Hiiraan.
|