|
Muqdisho,(insidesomalia.org) - Munaasabad lagu xusayey Maalinta AIDS-ka Adduunka ee 1December oo maanta laguqabtey Magaalada Muqdisho, taas oo ay soo qaban qaabiyeen Dalada Dhalinyadara SOYDEN.
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socotay hay'adaha ku lugta leh arrimaha caafimaadka, sida: WHO, UNFPA, UNICEF, UNAIDS, SOCDA, SOMALI PEN , Arday ka socday Dugsiyada Waxbarashada Magaalada Muqdisho.
Qaban qaabiyaasha ayaa soo ban-dhigay Riwaayad ka turjumaysay dhibaatooyinka AIDS-ka uu leeyahay iyo sida looga gaashaaman karo.
Cismaan Max'ed Cabdi (Daalo),oo ku hadlayey magaca Dalada Dhalinyarada ayaa sheegey in ay diyaar uyihiin in ay Daka ku buraarijiyaan khatarta HIV/AIDS uu leeyahay .
Sidoo kale waxaa ka hadlay halkaas Masuuliyiinta ka socotay Hay,adah NU-ka, Dr. Max'ed Cali Cismaan oo kasocdey WHO, Istarliin C/laahi Sheekh oo ah madaxa hay'adda UNFPA iyo xubno kale, kuwaasoo dhamaantood ka hadlay qaabka looga hortagi karo Cudurka HIV/AIDS-ka iyo siyaabaha uu ugu fido Bulshada dhexdeeda.
Cismaan Daalo aya yiri Maanta oo ah malinta AIDS-ka Aduunka waxaan ku dhawaaqaynaa inaan noqono hogaamiyayaasha la dagaalanka AIDS-ka, taasoo loo baahan yahay ku adkaansho iyo ka go'naansho hogaamiyeed si jawaabtu u noqoto mid waxtarkeedu aad u badan tahay.
Qiyaasaha cusub oo ay soo saareen hay'adaha UNAIDS iyo WHO ayaa tilmaamaya in HIV socodkiisu uu badanayo, percentage-ka Dadka qabana heerkoodu wuu kordhayaa halka tiro cusubna uu infakshanku ku dhaco.
Haddaba arrintan ayaa qayb ka ah Barnaamijyada ka hortagga iyo daaweynta, AIDS-ku wali wuxuu sababaa dhimashada Adduunka oo dhan in ka badan 5,700 oo qof ayaa maalin waliba u dhinta halka 24 saac kasta uu ku dhaco infakshanku in ka badan 6,800 oo qof. Waa sida uu yiri Mr:Daal.
|