Webinsidesomalia.org

Single Sign-On


Easy Sign In
RPX

Tweets

DEC
RT @BritishRedCross: Is aid to drought-stricken families in Niger a good idea? http://goo.gl/fb/QRCN5
Is aid to drought-stricken families in Niger a good idea? http://goo.gl/fb/QRCN5
Last Word question of the day: what causes motion sickness? http://bit.ly/cnzt3U #lastword
Interesting Q&A blog post from @Careersgroup with ICRC intern Sarah, who's based here at BRC HQ http://bit.ly/bH0mGk
Join @HBRexchange for today’s #HBRchat at 1pm EDT on debunking career fallacies. Details at http://s.hbr.org/aSrFYX
The Four Phases of Design Thinking http://s.hbr.org/d60deT
Camp Cropper: Tariq Aziz's son claims human rights abuses; MOJ never signed off on transfer. - Niqash http://bit.ly/bRWFXp #iraq
The people that say something can't be done, should never interrupt the ones doing it. (John Wooden)
Nice! RT @TehranBureau: Embassy Finder: not a bad tool 2 have http://bit.ly/9iY1f8
Japan to accept 32 Myanmar refugees from Thailand http://bit.ly/a767Q7

User Videos


Rating :
Views :
1191
Date :
09-05-2010
Rating :
Views :
1388
Date :
04-05-2010
Rating :
Views :
1416
Date :
02-05-2010
Rating :
Views :
1006
Date :
26-04-2010

Newsletter and Updates










News in English
Wararka Maanta

Online Users

0 users and 172 guests online | Show All
Dagaalo iyo duqeymo saaka ilaa maqribnimadii caawa ka dhacayey Muqdisho PDF Print E-mail
News in Somali - Siyaasadda
Wednesday, 10 March 2010 17:31

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxayso dagaalo iyo duqeymo saaka ilaa maqribnimadii caawa ka dhacayey Magaalda Muqdisho iyo sheegashada dhinacyada ee guulaha ay kala gaareen.

Dagaal iyo duqeymo is barbar socday oo ka soconayey qeybo ka tirasan xafadaha Magaalada Muqdisho oo soo garey gabaldhicii

Dagaaladan oo bilowday saaka aroortii xiliga salaada ayaa waxay ku faafeen xaafadaha waqooyiga Magaalada Muqdisho sida Cabdicasiis, Shibis, Yaaqshiid, Maanbolyo ,kaaraan waxaana ay risaastu gareysay qeyb ka fogfog halka dalaaku ka soconayey sida ay ku soo waramayaan dad ka fog fog halka dalaaladu ka dhacayaan waxaana dhinacyadu isu adeegsanayaan madaafiicda hobiyaha qoryaha lidka diyaradaha ,B-M ka iyo madaaficda garbaha laga rido.

Wararka Maanta
Dagaalada iyo duqeymahaan is barbarsoday ayaa u dhaxeeyey cidamada dowlada lagu darey kuwa ahlu sunah oo ...
Kulan ay yeesheen Xubnaha barlamanka ee diidan shirgudoonka ayaa ku dhawaaqay maanta in ay ka qeybgalayni...
19 madfac oo lagu riday galabta gudaha iyo hareeraha suuqa bakaroo iyo dhimasho iyo dhawac soo garey dad ...

Meelaha ay madaafiicdaasi ku dhacday waxaa ka mid ah suuqa arjantiin ee dagmada kaaraan iyo sidoo kale suuqa juungal ee dagmada yaaqshiid Magaalada Muqdisho .

Mid ka mi dah dadka degaanka suuqa juungal oo saxaafada u waramayey ayaa sheegay in uu indhihiisa ku aryey inta dhimasho iyo dhawac ay geysteen madaafiicda ku hoobaneysay xaafada ajantiin ee magaalada Muqisho .

Goobjogahaan oo diiday in magaciisa la xuso sababo amaan darted  in xaafada juungal ay ku dhaceen “madaafiic said ah in ka bada 15 madfac ayaa ku soo dhacaday waxaana ugu daran suuqa juungal iyogoob kale oo uu ku sheegay afarta geed oo isla xaafada ka tirsan .

Goobjoogahaan ayaa sidoo kale sheegay in uu indhihiisa ku arkay dhimashada ilaa 9 qof oo rayid ah isaga oo sheegay inuu sidoo kale arkayey 13 qof oo qaba dhawacyo kala duwan

Madaafiicdaan ayaa socotay maanta oo dhan, balse 10-saac xilliga magaalada Muqisho ayaa waxaa la soo rakibtay qoryaha BM-ka, kuwaas oo raxan raxan u dhacayey markiiba 21 madfac ayaa isku meel ku hoobaneysay ayuu yiri isaga oo codkiisa caro lag adareemayey

Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay guryahooda isaga cararaan tiiyoo aysan garaneynin meel ay aadaan kuuna sheegaya in aysan meelna u qorsheysneyn

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay ay dhamantood wada yihiin dadkii deegaanka oo waa la wada garanayaa isaga oo intaa raciyey in meydadkii guryahay lagu xareeyey

Intii ay socdeen duqeynaha iyo dagaalada waxaa dadka daad gureynayey gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaazta oo ay keenta shirada isgarsiinta ee nation link .

Dadka qaar ayaa kala garan wayey meel ay ka yimaadeen iyo halka ay u socdaan ka dib markii ay madaafiicdu bilaabatay deegaanka oo u badan guryo jiingado ka sameysan darted waxay waayeen meel ay gabaad ka dhigtaan inta badan dadka rayidka ah ee ay waxyeeladu soo gaadhay .

 

Duqeymahaan galabta ilaa saaka lagu garaacayey qeybo ka tirsan waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka horeeyey dagaalo iyo duqeymo maalmihii la soo dhafay ka dhacay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaana ka mid aha kuwa ay isaga horimanayeen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada KMG Somaliya kuwaas oo geystay qasaara isugu jira dhimasho iyo dhawac kala duwan iyo sidoo kale dilal si gooni gooni ah uga dhacay deegaana ay gacanta ku hayaan xoogaga Muqaawimada kuwaas oo shalay oo iyo doraad lagu dilay tiro gareysa 5 ka isugu jirta xarakada mujaahidiinta alshaab iyo ururka xisbul islaam kuwaas oo aan weli jirin cid sheegatay in ay ka danbeysay dilalka loo geystay xubnaha iyo saraakiisha xarakada shabaab iyo xisbul islaam

Dagaalada manta ka dhacayey muqdisho ayaa waxaa ay u dhaxeeyaan ciidamada xarakada Mujaahidiinta alshaab iyo cidamada dowlada oo garab iyo gaashaanba ka helayo ciidamda Midowga Africa ee AMISOM .

Dagaaladii ugu danbeeyey ee ilaa manata ka socday qeybo badan oo ka tirsan xafadaha Mgaalada Muqdisho ayaa la soo warinayaa in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof halka dhawacana u garayo 52 qof .


Dagaalka ayaa waxaa guulo ka kaal sheegtay xarakada mujaahidiinta alshaab iyo dowlada fadaaalka KMG somaliya

Afahyeenka Mujaahidiinta alshaab Sh Cali Maxamed Raage ayaa saxaafada u shegay in ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalkii ay la galeen cidamada AMISOM iyo ciidamada Dowlada Fadaralka KMG somaliya ka dib markii ay saaka weerar kadis ah ku qaadeen fadhiisimo ciidamada dowlada KMG somaliya ay ku lahaayeen qeybo ka tirsan dagmooyinka waqooyiga Muqdisho wuxuuna afhayeenku intaa ku daray in intii badneyd ay la wareegeen goobihii saaka uu iska horimadku ka dhacay wxuuna shegay in xiliga uu haladyey uu ku sugnaa hotel gbolab ee magaalada Muqdisho isaga oo shegay in ay jiireen difacodii labaad Afahayeenka ayaa shaki ka mujiyey in mardhow ay isku wareysan donaan mujaahidiintu dagmada xamar weyne iyo gudaha madaxtooda waa sida uu hadalka u dhigaye .

 

Sidoo kale Afhayeenka wasarada warfaafinta ee dowlada Fadaralka KMG somaliya Cabdirasaaq Maxamed qeylow ayaa ka hadlay dagaaladii manta oo ahaa kuwo faraha la isula tagay wuxuuna carabka ku adkeeyey in aysan jirin wax goobo ah oo lagala wareegay ciidamada dowlada Fadaraalka KMG Somaliya  fadhiisimihii ay ku lahaayeen dagmooyinka waqooyiga Magaalada Muqdisho

Share this article with others:
Reddit! Del.icio.us! Facebook! StumbleUpon! TwitThis

The comment section is restricted to members only.
 


related articles:


Copyright ©2007 - 2010 insidesomalia.org - All Rights Reserved | About Us | Contact us | Disclaimer